Saxilnews.com
Farxad Weyn Baynoo Tahay In Aanu Maanta Halkan Kusoo Dhawayno Musharax Jamaal Cali Xuseen.Ma Aha Markii Ugu Horaysay Ee Aanu Soo Dhawayno Oo Tiro Badan Oo Horeba Waanu Soo Dhawaynay”.Suldaanka Guud Ee Habar Awal
November 3, 2015 - Written by admin

Hargaysa (SAXILNEWS)_Suldaan Xasan Sul.Cabdilaahi oo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Habar-awal,ayaa ka hadlay Soo dhawayn Maanta Madaarka Caasimadda loogu sameeyay Musharax Jamaal CalI Xuseen.Waxa uu sheegay inay Hogaan-dhaqan-ahaan ay Waajib ku tahay inay soo dhaweeyaan cid kasta oo ka mudan soo dhawayn,Jamaal uu dadkaas soo dhawaynta ka mudan ka mid yahay.Waxa uu intaas raaciyay inay jiraan dad warar been-abuur ah ka faahiyay,kuwaas oo ku andacooday in aanu Sul.Xasan ka qeyb-qaadaan Soo dhawaynta inta badan loo sameeyo Aqoon-yahan Jamaal Cali Xuseen,waxaana uu ku tilmaamay warar aan jirin,maanta-na beenoobaya:“

ugu  HORAYN ILAAHAY Baad mahad baa mahad leh.Farxad weyn baynoo tahay in aanu maanta halkan kusoo dhawayno Musharax Jamaal Cali Xuseen.Ma aha markii ugu horaysay ee aanu soo dhawayno oo tiro badan oo horeba waanu soo dhawaynay,waxaanuna usoo dhawaynay waa waajib na saran oo qof kasta oo naga mudan in aanu soo dhawayno. Anigga oo ka faa’iidaysana Fursaddan aan maanta Jamaal Cali Xuseen kusoo dhawaynayo waxa jira Waxyaabo badan oo la turjumayo oo la leeyahay Suldaan Xasan Jamaal Cali Xuseen masoo dhaweeyo. Jamaal-na waa kaas I agfadhiya,annaga oo Salaadiintii ah mar walba sidaas baanu usoo dhawayn jirnay,waana Waajibaad na saaran oo Daruuri ah.Intaas ka bacdi,taasi halkaas bay ku beenoobaysaaye ku quuso ayaan leeyahay Qofkii doonayay inuu wax halkaas kasoo saaro.

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM- 

COMMENTS
Latest News