Saxilnews.com
Fanaaniinta Xidigaha Geeska Iyo Saxafiyiinta Somaliland Oo Ku Kala Calaf Qaadey Ciyaar Galabta Ku Dhex Martay Garoonka Hargeysa Stadium
March 16, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (SaxilNews):- Waxaa ciyaar aad u xiiso badan ay galabta garoonka kubada cagtaee Hargeysa Stadium ku dhex maray kooxda fanaaniinta ah ee Xidigaha Geeska iyo saxaafada Somaliland

Image may contain: people playing sports and stadium

Ujeedka loo qabtey ciyaartan oo aheyd in lacagta ka soo baxda lagu caawiyo dadka ay abaaruhu ku dhufteen ayaa waxaa ka soo qeyb galay tageerayaal aad u badan oo labada dhinac ba ah

 

Labada kooxood ayaa waxaa kala watey Cabdi Good Abees oo saxaafada Couch u ahaa iyo Abwaan Cabdirisaaq Xamuud Jaylaani  oo isna watey kooxda xidigaha Geeska , waxaana qeybtii koowaad ee ciyaartu ay ku soo dhamaatey Barbar dhac 0 iyo 0 ah

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa u suurto gashay kooxda xidigaha Geeska in ay goolkoodii koowaad ay la yimaadeen

Dedaalo badan oo ay sameeyen kooxda suxufiyiinta Somaliland nasiibku waa uu ka hiiliyey oo umay suurto galin in ay wax goolal ah dhashadaan waxaana ay ciyaartu ku soo dhamaatey 1 – 0 , Guushuna waxaa ay ku raacdey kooxda xidigaha Geeska oo halkaas ka qaadey koob ciyaartan yaalay

COMMENTS
Latest News