Saxilnews.com
Falastiiniyiinta oo ‘mijo-xaabin’ ku tilmaamay go’aanka Maraykanka
September 3, 2018 - Written by editor
Mid ka mid ah isbitaalada ay maamusho hay'adda Qaramada Midoobay ee reer Falastiin qaabilsanLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMid ka mid ah isbitaalada ay maamusho hay’adda Qaramada Midoobay ee reer Falastiin qaabilsan

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa cambaareeyay go’aanka dowladda Maraykanka ay lacagta uga jartay hay’adda Unrwa ee qaabilsan gargaarka falastiiyiyiinta.

Maraykanka ayaa ahaa deeqbixiyaha ugu weyn ee hay’addan oo dadka reer Falastiin siisa adeegyo asaasi ah sida adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada.

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa go’aanka Maraykanka ku tilmaamay mid mijo xaabin ah.

Balse sargaal u hadlay Israa’iil ayaa sheegay in ay taageerayaan tallaabada Maraykanka.

Unrwa waxa ay xilligan caawinaysaa illaa 5 milyan oo qof oo ku go’doonsan marinka Qasa, Daanta Galbeed, Urdun , Suuriya iyo Lubnaan.

Sanadkii 2016-kii waxa uu Maraykanka siiyay hay’adda $368 milyan ,iyo waliba boqolkiiba 30% qarashaadka hawlgalada hay’addan.

Jiritaanka Xamaas maxay kusoo kordhisay qadiyadda Falastiin?

Horey madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu qasabadaha ka xiran doono Unrwa sababo la xiriira gefaf ay samaysay, waxaase maalintii jimcaha go’aanka kama dambeysta gaaray wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka oo gebi ahaanba joojisay gargaarkii.

Waxaa lagu eedeeyay gefaf aanan la sixi karin iyo in ay hareer martay waxyaabihii loo igmaday, sida uu Maraykanka aaminsanyahay.

Nikki Haley ayaa mas'uuliyiinta reer Falastiin ku eedeysay in ay dhaleeceeyaan MaraykankaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionNikki Haley ayaa mas’uuliyiinta reer Falastiin ku eedeysay in ay dhaleeceeyaan Maraykanka

Muranka ugu badan waxa uu ka taaganyahay kuwa ay yihiin dadka saxda ah ee qaxootiga reer Falastiin ee xaqa u leh in ay ku laabtaan dhulkooda kadib dagaalkii Israa’iil iyo Carabta sannadkii 1948-dii.

Qaramada Midoobay waxa ay qabtaa in tirada qaxootiga Falastiin ay yihiin 5 milyan, balse Maraykanka iyo Israa’iil ayaa qaba in tirada ay intaas aad uga yartahay.

Unrwa waxa ay gacanta ku haysaa 526,000 carruuro iskuulo dhigta, iyo 1.7 milyan qof oo kuwa tabarta daran ah.

Raashiinka ay qeybiso UnrwaLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionRaashiinka ay qeybiso Unrwa

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Jarmalka ayaa sheegtay in ay dhankooda kordhin doonaan miisaaniyadda ay ku bixiyaan hay’adda Unrwa si qalalaase u dhicin.

COMMENTS
Latest News