Saxilnews.com
Falanqayn: Laba Khalad Oo Keenay Guuldaradii Man United Ka Soo Gaadhay PSG+ Sawiro Cadayn U Ah
February 13, 2019 - Written by editor

Kooxda Paris Saint-Germain ayaa si qurux Badan Man United ugu garaacday Old Trafford kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si fiican ku bilowday shaqada Man United tan ilaa markii uu shaqada ka badalay Jose Mourinho laakiin waxa uu guuldaradii ugu horeeyay kala kulmay PSG oo ay xitaa ka maqan yihiin Neyamr iyo Cavani.

Laba Arimood ayaa sabab U Noqday In Ay Kooxda PSG guusha ka gaadho kooxda Man United waana laba Khalad oo ay sameeyeen xiddigaha Man United.

Khaladka 1-aad:

Midka 1-aad ayaa ah khalad uu sameeyay xiddiga khadka dhexe ee Nemanja Matic kaas oo oo xiddiga Presnel Kimpembe u ogolaaday in uu kaligiis istaago markii la laagayay koornihii ay PSG ka dhalisay Man United.

Daafaca PSG ee Presnel Kimpembe ayaan khalad samayn kubadana dhex dhigay shabaqa Sidaasna ku dhaliyay goolkii 1-aad ee ciyaarta.

Matic ayaa u qaatay in uu daafaca Eric Bailly kubada ka hor istaagayo in ay goolka Kasho laakiin wax uu Presnel Kimpembe sidaas ku dhaliyay goolka 1-aad ee Man United.

Nemanja Matic lost his man as Man Utd conceded the first against PSG

David De Gea had no chance of saving the effort from Presnel Kimpembe

 

Daafaca United ayaa ku dhibaatooday in ay xamilaan awooda iyo waliba orodka xiddiga reer Fracne.

Goolkii 2-aad ee ay dhalisay kooxda PSG Xiddigaha Eric Bailly & Victor Lindelof ayaa awood u yeelan waayay in ay joojiyaan weeraryahanka.

20 jirka ayaa meel dheer ka soo orday isaga oo isticmaalaya orodkiisa xilli uu waliba orday markii uu Di Maria helay kubadii uu u soo dhigay sidaasna goolka.

PSG striker Kylian Mbappe started his run from deep for their second goal

Kylian Mbappe caused a problem for Eric Bailly and Victor Lindelof

Kylian Mbappe arrived at the perfect moment for Angel di Maria's cross

Kylian Mbappe slotted home to hand PSG a 2-0 win over Man Utd

COMMENTS
Latest News