Saxilnews.com
Fahan La’aanta Iyo Salfudaydka Wasiir Farxaan Aadan Haybe Waa Horseedka Gaabiska Ku Imid Horomarkii Ka Socday Wasaarada Duulista. Qaybtii Kowaad
September 9, 2017 - Written by suxufi

Maqaalkan oo taxane ah waxaan ku qaadaa dhigi doonaa shaqada Wasaarada Duulistu Qaranka u hayso, Horomarkii Socday, Gaabiska ku imid, shaqsiyada Farxaan aadan haybe, fahan la’aanta ka haysta shaqada uu qaranka u hayo iyo dhacdadii maalmahan haystay baraha bulshada ee inantii laga reebay duulimaadkii Fly Dubia.

Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka (WDH&GC), waa haayad dastuuriya oo qaranka u xil saaran arimaha duulimaadka hawada (Aviation), waxay ka mid tahay tiirarka uu qaranku ku taagan yahay, waxay maamushaa oo hoos taga wax kasta oo la xidhiidha arimaha duulimadka hawada (Aviation), waana haayad dowliya oo u madax banan shaqadeeda sida haayadaha kale ee dalku mid kasta shaqadeeda u madax banan tahay, waxay hoos tagtaa oo maamula Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland isaga ayaa xaq u leh la xisaabtankeeda, masuuliyiinta wasaarada oo ugu horeeyo Wasiirku waxa digreeto ku magaacaba Madaxwaynaha isaga ayaana leh xil ka qaadistiisa ama badalaadiisa.

Wasaarada Duulista oo ay waajibaadkeeda ka mid tahay maamulida garoomada diyaardaha (Airports) iyo waliba shirkadaha adeegsada garoomada (Airlines) ayaa waxa aan maqaalkan wax ka odhan doonaa dhacdooyin maalmaha ku soo noqnoqonayey saaxada falaqaynta dhacdo maamlmeedka dalka ka dhaca taas oo keentay tashuush iyo waliba muhbal badan oo dadka qaar soo galay.

Maalin ku taariikhaysan 24 Aug ee sanadkan ayaa waxa dhacday dhacdo aan ku cusbayn saaxada shaqo maalmeedka Madaarka iyo waliba diyaaradaha adeegsada, gabadh ka mida  macaamiisha adeegsanaysay Shirkada Diyaardaha Caalamiga ah ee Fly Dubia ayaa waxay ku kacday dhacdo ka dhacday madaarada Somaliland iyo kuwa Caalamkaba, waxay markii ay soo fuushay diyaarada fadhiisatay kursi aan ahayn kursigii loo qoondeeyey ama ay xaqa u lahayd, dabadeed inan ka mid ah hablaha diyaada ka dhex shaqeeya ayaa ku tidhi fadhiiso kursigaagii, way diiday sidoo kale waxay keentay in ay inantii shaqaalaha ahayd maagto, inantu waxay warbixinta gabadhaa u gudbisay masuulkii diyaarada ee wakhtigaa oo ahaa duuliyihii diyaarada, isaguna wuxu go’aan ku gaadhay in inantaasi ayna raaci karayn diyaarada wakhtigaas, hadaba su’aasha is waydiinta leh baa ah go’aanka muxu u gaadhay duuliyaha diyaaradu, dadkeena inta badan aqoon uma laha arimaha duulimaadka caalamiga ah iyo sharciyadooda (International Aviation and Act’s) , waxaa jira sharciyo caalamiya oo lagu hago nidaamka duulimaadyada dunida kuwaas oo mid kasta leeyahay fasiraad gooniya, duuliye kasta ma qaadan karo go’aan ilaa uu raaco nidaam xeereedka caalamiga ah ee dunida u dajisan, duuliyihii diyaarada ee maalinkaasi wuxu isaga oo xushmaynaya xeerka nidaamka caalamiga ah ee duulimaadyada dunida wuxu qaatay go’aan ku haboonaa isagoo raacay xeerka loo yaqaano Annex 17 oo sheegaya Amniga iyo badqabka diyaaradaha (Security: Safeguarding International Civil Aviation Against Acts of Unlawful

Interference) ka akhri labadan link, https://www.theairlinepilots.com/forumarchive/quickref/icao/annex17.pdf

https://www.icao.int/safety/airnavigation/NationalityMarks/annexes_booklet_en.pdf, go’aanku qaatayna wuxu ku salaysnaa badbaadinta shicibkii tirade badanaa ee diyaarada la socday, hadaba waxa wax lala yaabo ahayd in Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed oo isaga laftiisu ka mid ahaa dadkii raacayey diyaarada Fly Dubia uu arinka inanta soo galay isaga oo aan eegin sharciyadka caalamiga ah ee dhacdaasi sidoo kale aan aqoon u lahayn arimaha duulimaadka, wuxu u tagay duuliyihii diyaarada oo aanu xaq u lahayn in uu u tago ama uu la hadlo, wuxu u sheegay in u yahay Wasiir taas oo iyadna ka baxsan nidaamka duulimaadka caalamiga ah waayo diyaaradaha dunida waxa adeegsada dadka dunida ugu caansan Boqoro, Madaxwayne, Madax-dhaqmeed, Madax-diimeed iyo Ganacsato dhamantood waxay la xuquuq yihiin dadka caadiga ah ee adeegsanay duulimaadkaasi, waxa intaasba ka sii daran in Wasiir Cali uu ka gudbay xayndaabkii ixtiraamnida isagoo gabi ahaanba ka dagay duulimaadkaasi bilaa sabab, arinka inanta waxa ku waajib ahaa in uu u gubdbiyo madaxda duulimaadka Somaliland ama Wasarada u xilsaaran.

Wasiirku isagoo isku haysta in aanay jirin awood ka saraysa ayuu wuxu baraha bulshadu ku wada xidhiidho soo galiyey warbixin aan xaqiiqda ku salaysanayn isagoo iska dhigaya in uu diyaarada uga hadhay tacadi lagula kacay inantii aan warbixinteeda xaga sare ku soo sheegay, maaha masuuliyada ama nidaam maamul oo uu ku dhaqmo qof heer Wasiir ka ah dalkan, haddii Wasiir Cali u arkay in khalad jiro waxay ahayd nidaamkuna yahay in uu u gudbiyo Maamulka ka sareeya oo ah Xafiiska Madaxwaynaha waayo waa hal maamul iyo hal xukun, waxa garaadka Wasiir Cali Siiyey in dawladu tahay laba maamul oo is haya isna yidhi ka faa’idayso oo munaafaq dhex dhig, kamuu fiirsan waxa uu qorayo in ay waafaq san yihiin shuruucda caalamiga ah muu eegin in ay tahay arin aanu maamulin sidoo kalena aanu aqoon u lahayn.

Arinkaasi waxa ka jawaabay Maamulka Wasaarada Duulista oo uu hormood u yahay Wasiirku iyo Maamulaha Madaarka oo ah shaqsiga hawshan sida tooska ah u taabanaysay maadaama ay ka dhacday goobtii uu maamulayey, labadooduba waxay ka hadleen siday wax u dhaceen iyo waliba go’aankii duuliyihii diyaarada sidoo kale waxa uu ka qabo xeerka caalamiga ah ee duulimaadyada dunida.

Waxa wax lala yaabo noqotay in markii Wasiir Cali Xasan uu ku soo noqday dalka in Wasiirka Duulista Hawada Farxaan Aaadan Haybe uu ka hadlay goob lagu soo dhawaynayey Wasiir Cali kaas oo sheegay in Wasaarada Duulistu ka raali galinayso hadalo ka soo yeedhay Madaxda Wasaarada, maxaa kalifay arinkaasi se Wasiirku miyaanu garanayn shaqada uu qaranka u hayo oo ah duulimadka hawada, waxan si kooban idiinku sharixi doonaa waxa ay salka ku hayso arinkani, waxan se ka jawaabi su’aal ah

Waa ayo Farxaan Aadan Haybe?

Farxaan waa siyaasi socod barad ah wuxu siyaadada ku soo biiray muddo sanado laga joogo, waa shaqsi aan aqoon u lahayn shaqada qaranka u hayo ama u ku magaacaban yahay, waa shaqsi wax kasta kaga daray fudaydka oo sahayda siyaasiga guul daraysta, waa shaqsi aan lahayn isku wad, waa shaqsi si khaldan u fahmay macnaha siyaasada isagoo u haysta in ay tahay siyaasadu been iyo munaafaqnimo, waa shaqsi aan lahayn nidaam maamul, Farxaan wuxu u haystaa talada qaranka in ay ka go’do dad gaara ah oo umba aqoonsana in uu Madaxwayne Axmed Siilaanyo u magaacabay xilka uu hayo…….

La Soco Qormada Labaad.

COMMENTS
Latest News