Saxilnews.com
DUULIYE DIYAARADDII UU WADAY KU DHEX LULOODAY JIHADII AY RAKAABKU U SOCDEENA KA LUMIYEY MARKII UU GAM’AY!
December 3, 2018 - Written by editor

Hargeysa(Berberatoday.com)-Mas’uuliyiinta badbaadada hawada ee dalka Australia ayaa sheegay in diyaarad nooceedu aanu waynayn ay garoonkii loogu tala galay iney ku dagto ka gudubtay masaafo dhan 50 oo kiiloo mitir, ka dib markii uu seexday duuliyihii diyaaradda waday.

Duuliyaha hurdadu qabatay ee diyaaradda ku dhex gam’ay ayaa ka mid ahaa dhawr qof oo diyaaradda saarnaa taasi oo 8-dii bishan Nofeembar ka tagtay magaalada Devonport kuna sii jeedday jasiiradda King Island ee gobolka Tasmania.

Dhacdadan oo jahwareer badan dhalisay ayaa waxaa baadhitaan ku sameeyay waaxda gaadiidka iyo nabad galyada hawada ee dalka Australia kuwaasi oo wali baadhaya sida xaaladdani u dhacday.

Saraakiisha ayaan sheegin sida uu duuliyuhu kusoo kacay inta aanu diyaaradda u dajinin si nabad ah iyaga oo aan xusin wakhtiga uu hurday iyo sida ay ugu suurto gashay isaga oo lulooday in uu haddana ku soo baraarugo oo diyaaradda si nabad ah u dejiyo.

Bayaan ay soo saartay waaxda gaadiidka hawada ayaa lagu yidhi “Intii uu duullimaadku socday, duuliyaha ayaa seexday, arrintaasina waxay sababtay in diyaaraddu ay jasiiradda dusheeda ku duusho masaafo dhan 46 kiiloo mitir”.

Khabiir dhinaca duulista hawada ah oo lagu magacaabo Neil Hansford ayaa sheegay in Australia ay leedahay sharciyo adag oo la xidhiidha daalka duuliyeyaasha lana sugayo tallaabada adage e laga qaado duuliyahaasi marka baadhitaanku dhammaado.

“Ma jirto sabab adduunka oo dhan uu qof u qaadi karo mas’uuliyadda daalka la xidhiidha duullimaadka” ayuu ku yidhi wareysi uu siiyay warbaahinta Australia.

Shirkadda diyaaradda leh oo lagu magacaabo Vortex Air ayaa boggeeda internet-ka ku sheegtay inay samayso duullimaadyo qorsheysan, iyo safarro nasiino ah oo ay ku marto qeybaha kala duwan ee waddanka Australia.

Maamulka waaxda gaadiidka iyo nabad-galyada duulista hawada ayaa sheegay inay waraysan doonaan duuliyahaas ka dibna ay macluumaadka ku saabsan arrintan shaacin doonaan sannadka soo socda.

Sannadkii la soo dhaafay, shan ruux ayaa geeriyootay markii diyaarad ay la socdeen oo ku wajahneyd jasiiradda King Island ay burburtay wax yar ka dib markii ay ka duushay garoonka magaalada Melbourne

COMMENTS
Latest News