Saxilnews.com
Duqeymaha Maraykanka ma looga adkaan karaa Al-Shabab?
February 8, 2019 - Written by editor

 

DronesLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionDiyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Maraykanka ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafnay ka dhacay qeybo kala duwan oo Soomaaliya ah.

Arbacadii waxa ay diyaaraha Maraykanka duqeeyeen deegaanka Gardarshe ee gobolka Shabeellada hoose, halka Khamiistii ay beegsadeen deegaanka Bariire ee isla gobolkaasi.

Gelinkii dambe ee Jimcaha-na waxa uu Maraykanka beegsaday dagaalyahanno Al-Shabab ah oo ku sugnaa deegaanka Araare ee gobalka Jubada Hoose.

Maraykanka ayaa sheegay in weerarradaasi ugu dambeeyay uu ku dilay tobannaan dagaalyahannada Al-Shabab ka tirsan.

Mareykanka oo sheegay in 62 Al-shabab ah ay duqeyn ku dileen

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Soomaaliya

Mid ka mid ah hogaamiyayaasha sarsare ee Taliban oo duqeyn lagu dilay

Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgalla Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo AFRICOM, ayaa sheega in duqeymahaasi ay gacan ka siiyaan ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabab.

Balse waxaa isweydiin mudan duqeymahaasi oo keliya ma looga adkaan karaa Al-Shabab.

Taliyaha AFRICOM, jeneraal Thomas Waldhauser, ayaa u sheegay guddiga Senate-ka Maraykanka u qaaabilsan ciidamada qalabka sida in “duqeymaha oo keliya aan looga adkaan doonin Al-Shabab.”

Waxa uu intaa ku daray in ciidamada Soomaaliya looga baahan yahay inay dhabarka u ritaan mas’uuliyadda sugidda ammaanka dalkooda.

Xasan Sheekh Cali oo culuunta xiriirka caalamiga ka dhiga jaamacado ku yaal Muqdisho ayaa ayaa sheegay in hadalka jananka uu dhab yahay oo “ciidamo cirka ah aan dhul lagu qabsan karin.”

Waxa uu intaa ku daray in uu khaldan yahay habka loo marayo dhisidda ciidanka Soomaaliya oo uu sheegay in lagu saleeyay hab maamul goboleed oo salka ku haya nidaam qabiil.

Maraykanka ayaa tan iyo horraantii 2017 waxa uu sare u qaaday duqeymaha uu ku bartilmaameedsado Al-Shabab ee gudaha Soomaaliya, waxaana sanadkan bilowga ah uu fuliyay dhawr iyo toban duqeyn

COMMENTS
Latest News