Saxilnews.com
Duqayn Cirka Ah Oo Lala Beegsaday Kooxda Al-Shabaab Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
December 3, 2015 - Written by admin

Shabeellaha,Hoose (SAXILNEWS.COM)_Wararka ka imanaya tuulada Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in duqayn cirka ah ay ka dhacday tuulada, Dadka ku dhaqan tuulada Kuunyo Barow ayaa sheegay in weerar la tuhunsan yahay inuu yahay duqayn cirka ah lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, goor dambe oo fiidkii arbacada ah.

 

Duqayntan ayaa la sheegay inay ahayd mid culus. Illaa iyo hadda ma cadda cidda lagu bartilmaameedsaday weerarkan oo dhacay salaaddii maqrib kadib.

Ugu yaraan laba gantaal ayaa la sheegayaa in mid uu ku dhacay tuulada banaankeeda, mid kalena meel u dhow geerash ku yaalla tuulada.

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM 

COMMENTS
Latest News