Saxilnews.com
Dunidu qaxar miidhan weeye Nolosha qabyo lagama waayo Ma ogid qaybkiyo aroorta
September 14, 2016 - Written by admin

Dunidu qaxar miidhan weeye
Nolosha qabyo lagama waayo
Ma ogid qaybkiyo aroorta
Qaddarka cidi baajinmayso
Qoraalkana dhaafimaysid
Qalinku waa been ma-sheege,
Adoo qorshe fiican gaadhay
Hadduu wakhti kaa qalloocdo
Hungiyo qanac lama istaago,
Xilligu waa qaab wareega
Qof heersare nolosha jooga
Ka waayuhu qoofal saaray
Qaanuunku siduu dhigaayo
Isbbeddel qayiraa yimaadda,
Ha quudhsan awoodahaaga
Qalbigu yuu kaa xumaanne
Ha aaminin waad qasaartay,
Dedaalka haddaad quwayso
Tallaabada hore u qaaddo
Rugtiyo qormadaad astaysay
Hadday tahay qorraxda taabo
Maruun baad qeexaysaaye
Raxmadda abid lagama quusto.

Abwaan Sakariye Awaare

Burco-Somaliland

COMMENTS
Latest News