Saxilnews.com
DUGSIGA BARASHADA CULUMTA COMPUTERSKA EE MODERN SCHOOL OF COMPUTERS EE KU YAALA DEGMADA SHEIKH AYAA MANTA SHAHAADOOYIN GUDOONSIIYAY 27 ARDAY OO KA QALINJABIYAY
May 6, 2015 - Written by admin

sheikh(saxilnews.com)Dugsiga barashada culumta computerka ee modern school of sheikh of computers eek u yaala degmada sheikh ayaa manta shahaadooyin gudoonsiiyaay 27 arday oo ka qalin jabisay dugsigaasi ,ardaydan manta ka qalin jabisay ayaa waxay noqonaysa dufcadii labaad ee ka qalin jabisa taniyo intii la asaasay dugsigan qalin jabinta ardaydan ayaa waxa loo qabtay xaflad si heersare ah loo soo agaasimay waxaana xafladaa kala soo qaaybgalay gudoonka waxbarashada ee degmada sheikh maamulka schoolkaas ,xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada sheikh iyo marti sharaf kaloo aad u tiro badan

Waxaana ugu horayn furitaankii munaasibadaa ka hadlay maxamed aadan ahmed oo ka mida maamulka dugsiga modern school of computers isla markaana ka warbixiyaya maraaxilka kala duwan ee uu soo maray dugsigani mudadii u furnaa sidoo kalena uga mahad celiyaya maamulka wasaarada waxbarashada kazoo qaybgalka ay munaasibadan kala soo qayb galeen

Waxna sidoo kale iyana halkaa hadal ka soo jeediyaay xildhibaan maxamed faarax kooshin oo ka tirsan xildhibaanada golaha deegaanka degmada sheikh isagoo uga mahad celiyaya maamulka dugsigan dadaalka fiican ee ay u galeen inay soo saaraan arday tayo leh oo aqoon u leh cilmigan computers ka waxaanuu xildhibaanku ugu hambalyeeeyay ardayda ka qalin jabisay dugsigan dadaalka fiican ee ay usoo galeen kuna dhiiri galiyaya inay kasii kordhiyaan

Ugu dambayntiina waxa munaasibadaa soo afmeeray gudoomiyaay waxbarashada degmada sheikh maxamed ibraahin xaaji cabdilaahi isagoo ku amaanay dugsigan sheikh modern school of computers dadaalka fiican ee ay sameeyeen isagoo sheegayna inuu dugsigani yaay dugsi cusub islamarkaana shaqaynaayay mudo yaroo kooban soona saray arday tayo leh

Ugu dambayntiina gudoomiyayha ayaa waxa u shahaadooyin gudoonsiiyaay ardaydii ka qalin jabisay dugsanigan geesta kalena ardaydii ka qalinjabisay dugsigan ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino u soo diyaariyaay macalimiintoodii mudadaa wax soo baraysay

 

www.saxilnews.com

Faizal aden ismail

 

COMMENTS
Latest News