Saxilnews.com
Dr. Maxamed Biixi Yoonis Oo Ka Hadlay Isbedelada Gobalka Iyo Doorka Somaliland
December 29, 2018 - Written by editor

DJabouti( saxilnews.com )-Wasiirkii hore ee arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka hadlay isbedelada gobalka Geeska Afrika ka socda ee uu waddo Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dr. Maxamed Biixi Yoonis, oo Djibouti ugu waramay weriye Cali-seenyo oo ka tirsan Saab TV, waxa uu ka hadlay shir uu Djibouti kaga qayb galay oo uu machadka Heritage qabtay, waxaanu ugu horayn yidhi “Fursada aanu helnay dadkayaga maanta halkan Isugu yimi waxaanu aad iyo aad u falanqaynay maxaa inooga soo bixi kara hadaynu nahay dadka afsoomaaliga ku hadla, waxaan qabaa hadaan nahay dadka Afsoomaaliga ku hadla gaar ahaan Somaliland iyo Jabuuti iyo Somaliyaba waxa alle ku maansheeyay bado, waxaana dadka inoo imanaaya ay u imanayaan muhiimada ay leedahay bogcada alle inagu beeray taas oo ay u arkaan dantooda ama xag dhaqaale ama dhan nabadgalyo ama horumar iyo khayraadka dalkeena yaala oo ay duruufaha badan ee ku xeeran Iiraan ama Shiinaha iyo Midowga Yurub iyo guud  ganacsiga caalamka guud ahaan Maraakiibta ganacsiga oo halkan mara iyo dagaalada ka socda Yaman iyo wax lamid ah inay u arkeen in maanta inay u arkeen bogcadani inay tahay mid aad iyo aad u muhiim ah.

Inaga laftigeenana ay inala gudboontahay in waxii aynu ka faaidaysan karno ee ah danteena iyo dhaqaalaheena, laakiin waxaad la socotaa in dadkii shirkan isugu yimi ay la socdaan in Somaliland iyo Somaliya laf dhabar wax alle iyo waxa ka dhacaaya Geeska Afrika iyo dhibaatada ka dhex taagan labada dal iyo nabadgalyo darada ka jirta Xamar in aan wax badan inoo suurto galayn.

Arinkan laga hadlaayo ee la leeyahay is kaashiga ganacisga waa mid fiican cid diidaysaa ma jirto hasa  yeeshee sida ay maanta Soomaali tahay wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa, wadamadan aynu jeerka nahay ee Itoobiya iyo Eratariya wakhti dheer ayay ku qaadanaysaa waa iska laab la kac, waana dano aanay siyaasadi ka madhnayn, waxaan aaminsanahay in Somaliland iyo Somaliya aan arintooda la xalin in aanay wax badan ka qabsoomayn Geeska Afrika.

Waxa jira heshiisyo uu raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya la galay Eratariya iyo Somaliya, ma u hirgalayaan haddii uu jiro khilaafkii Jabuuti iyo Eratariya?

Waxaan qabaa saddexdan wadan ee isku tagay haddii ay taladoodu tahay saddexdeena ayaa wax wada qabsanayna waxbadan oo ka soo baxayaa in aanay jirin ayaa aniga ii muuqata, Jabuutina waa dad Soomaaliyeed  waa dadkeenii oo waa kuwo waxtar badan u gaystay gaar ahaan Soomaaliya, walina  aanay dhamaan nabadayntii Eratariya iyo Jabuuti  oo xuduudo laysku hayo, haddii Somaliland iyo Jabuuti talada lagu dari waayo wax ka soconayaa runtii ma jirto, waxay noqonaysaa warqad qalin lagu saxeexay, shuruucdoodii ma dajisna oo wadano isku dheeli tiran maaha oo maanta wax wada gali kara.

Imika Somaliland iyo Itoobiya haddii aynu ka soo qaadno waynu leenahay ganacsi laakiin maaha mid isku dheeli tiran inta badan inaga ayaa qaadkoodu inoo yimaadaa 700 oo malyuun oo doolar ayaa lagu tilmaamaa inay sanadkii Itoobiya inooga tagto, waxa ka yimaada sibidh iyo qudrad,maanta wax aan sheegi karno oo xageena ka tagaa ma jirto dabcana Somaliland waa rin u yaala in dib laysu eego oo aynu ku dadaalno sidii laysugu dheeli tiri lahaa, Jabuuti waa kadinka ugu weyn ee Itoobiya isticmaasho, waana laga yaabaa hadii ay heshiiyeen Eratariya in ay Itoobiya badaha Eratariya isticmaali karto iyaga laftigooduna ay u arkaan in aanay beedkooda meel kaliya ku wada ridin meelo badan wax ka qabsadaan, waanad arkaysaa inay Berbera laftigeeda ay doonayaan inay wax ka qabsadaan oo ay saami ku darsadeen, ilaa imika Jabuuti ayay isticmaalayaan mudaanay jiraysaa,markaas Somaliland iyo Jabuutiba aad iyo aad ayay Itoobiya ugu baahantahay, Somaliland waxaan aaminsanahay inay tahay dal aan indhaa laga qarsan karin.

Waxa ugu weyn ee shirkii ka soo baxay ee inaga iyo Somaliyaba guusha inoo ah in dadkii isugu yimi ee shanta gobal ay arkeen in Somaliland ay tahay muhiim, wada hadalada Somaliland iyo Somaliyana laysku afgartay in dhaso loo bilaabo oo laysku wada raaco,madaxweyne Ismaacil Cumar Geelana waxaanu leenahay inaad arinkaas gacan ka siisyo.

Barigii hore wada hadalada Somaliya ayaa dooni jirtay Siilaanyo ka hor ,maanta dhinicii kale ayay noqotay oo Somaliland ayaa doonaysa maxaa isbadalay?

Waligayo waanu jeclayn in wada hadal lagu dhameeyo, waanad ogtahay aduunka dadka xurgufi ka dhaxayso ama doonaya inay kala tagaan ama wada joogaan wada hadal ayay ku dhameeyaan,waad la socotaa anigu waxana ahaa wasiirkii hogaaminayay wada hadalada waxaanu u arkaynay in aanay dhanka Xamar ka run ahayn,run ahaantiina wax waaweyn oo midho dhal ah kamay soo bixin. Somaliya hadaanay doonayna wada hadalo wax aanu u riixnaa ma jirto laakiin waxaanu aaminsanahay in ay wax iskaga kaaya xidhan yihiin oo wada hadalada aynu ku wada gaadhi karno xal.

Intii uu raysal wasaaraha cusubi Itoobiya yimi maxaa iska badalay xidhiidhkii Somaliland iyo Itoobiya?

Dadka qaar waxay u fasirayaan in Abiy Axmed uu doonayo in dawlada Somaliya midnimadeeda la ilaalinaayo laakiin anigu ma qabo aduunkuna waa dano Itoobiyana dan weyn ayay ku qabtaa Somaliland kaadhadh badan oo ay ciyaari kartaa way jiraan, Somaliland way ku dadaalaysaa cilaaqaad wanaagsan horena cilaaqaad wanaagsan ayaanu la lahayn dawlada Itoobiya imikana aanu la leenahay, waxaan qabaa in goor ay noqotaba ay Somaliland iyo Itoobiya ay isku iman doonaan oo ay ka wada hadli doonana danaha ka dhaxeeya waad ogtahay oo dekedii ayay xiisaynayaan oo lacag badan oo Somaliland ka timaadaana waxay tagtaa Itoobiya, waxaan filayaa inay danteeda eegayso oo aanay Somaliland ahayn wadan sidaas lagu ilaabi karo.

Doorashooyinkan dib u dhacay siyaasiyan maxay ku keeni kartaa Somaliland?

Somaliland waxay ku caano maashay oo lagu yaqaanay inay doorasho

samayso,doorashooyinka aynu samaynayna waxay inoo keeneen karaamo iyo sharaf waxa nasiib daro ah in baarlamaankeenii uu maanta maraayo dhawr iyo toban sanadood caqabado badan oo maanta haystaana way jiraan ama saami qaybsi ama komishanka dabcan dib u dhac kasta oo inagu yimaadaa waa uu ina wiiqayaa, waa in dhakhso loo qabto doorashooyinka oo casharkaas aynu caalamka tusnay in aynaan lumin arinkuna noqon mindi mindi ku taag ee xal la raadiyo waara oo ka dhaxeeya dawlada iyo asxaabta

COMMENTS
Latest News