Saxilnews.com
Dooxa Dacar Budhuq Oo Qaadey Saddex Qof Iyo Gaadhigii Ay Saarnaayeen + Roobkii Gugu Oo Ka Curtey Badi Deeganada Somaliland .
March 26, 2017 - Written by suxufi

 

Hargeysa (Saxilnews):- Roobabkii Guga ayaa waxaa ay ka curteen badi deeganada Somalilandoo abaaro xoogani ay ka jireen mudooyinkii ugu danbeyeeyey

Roobabkan ayaa waxaa ay ka curteen deegano ka mid ah Gobalada Maroodi-Jeex, Awdal , Gabilay , Sanaag Iyo Hawd

 

Sidoo kale wararka ay shabakada Ilaysnews.com soo gaadhaya ayaa waxaa ay sheegayaan in dooxda Weyn ee dacar budhuq uu qaadey gaadhi Suruf ah , Laba dumar ah iyo darawalkii  gaadhiga u wadey  ka dib markii ay isku dayeen in ay dooxaad oo biyo xoogani ku soo rogmadeen in ay ka talaaban .

Dooxan Weyn ee Dacar Budhuq ayaa waxaa uu u dhaxeeyaa magaalooyinka Hargeysa Iyo Berbera waxaana ku soo rogmada biyo badan xiliyada ay roobabku jiraan oo si toos ah badda ugu dhaca mana jirto meel lagu qabto ama si kale oo looga faa,ideysto

COMMENTS
Latest News