Saxilnews.com
DOON SIDAN TAHRIIBAYAAL OO BADA KU DHACDAY IYO TIRADA DADKA KU GEERIYOODAY.
January 7, 2018 - Written by editor

 

 

Tahriibayaal isku dayay inay galaan qaarada yurub ayaa doontii siday ay kula dhacday bada udhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga, waxaana geeeriyooday ugu yaraan 8 qof halka qaar kalana la soo badbaadiyay.

Waxaa kaloo la la’yahay dad kale oo doonta saarnaa sida ay sheegtay hay’ad dalka Spian laga leeyahay.

Shilkan dhacay ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee sanadkan cusub dhaca iyadoo dariiqaasi badda aad loogu dhamaanayay mudo dheer.

Kudhowaad 34,000 oo qof ayaa ku dhamaaday amaba lagu waayay biyaha Talyaaniga iyo Liibiya u dhaxeeya ilaa sanadkii 2000.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegaya in qalabka wax lagu ilaaliyo ee diyaaradaha ay kula socdeen doomaha ay saaran yihiin dadka lasoo tahriibiyo.

Waxaa hadda weli

socda baadigoobka loogu jiro dad badan oo doonta saarnaa.
Midowga Yurub war uu dhowaanta soo saaray ayaa lagu sheegay in dadka Yurub u haajiraya ay tiro ahaan hoos u dhacday sanadkii la soo dhaafay.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2017-kii 3,000 oo qof ayaa ku haligmay badda iyagoo isku dayay inay Yurub gallaan.

COMMENTS
Latest News