Saxilnews.com
Soomaali ku xiran xabsiyada Suudaan oo cabanaya
March 19, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

 

khartum saaxilnews.com Maalin uun kaddib markii 32 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ka qaxay dalka Yaman lagu laayay badda cas, ayaa waxaa hadda soo baxaysa qeylo dhaan ay samaynayaan qoysas Soomaali ah oo ka soo caray Yaman basle ku xiran dalka Suudaan.

Qaar ka mid ah dadkan oo BBC-da la soo xiriiray ayaa waxa ay sheegeen in ilaa 185 qof ay gaarayaan ayna 11 bilood xabsi ku jireen.

Dhanka kale Safaaradda Soomaaliya ee Khartuum ayaa sheegtay in ay ka war hayso dadkaasi oo ay xabsiga ku booqdeen.

Maxamed Cabdullaahi Ugaas oo ah safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan, ayaa sheegay in ay ka war qabaan 102 qof oo sheegtay in ay ka yimaadeen Yaman basle ay diideen in Soomaaliya dib loogu celiyo.

COMMENTS
Latest News