Saxilnews.com
Donald Trump ayaa ku baaqay in Muslimiinta loo diido soo galitaanka Mareykanka
December 8, 2015 - Written by admin

Maraykan (SAXILNEWS.COM)_Ninka rajeynaya inuu noqdo musharraxa madaxweyne ee xisbiga jamhuuriga, Donald Trump, ayaa ku baaqay in la hakiyo dhammaan Muslimiinta soo galaya Mareykanka.

Mr Trump ayaa sheegay in ra’yi ururin dhawaan la sameeyay ay muujineyso in Muslimiinta ay naceyb badan u hayaan Mareykanka, dowladduna looga baahan yahay in ilaa iyo inta ay sababta arrinkaa keentay ka ogaaneyso, ay shacabkeeda ka difaacdi khatar ku iman karta.

Aqalka Cad ee Mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in hadalka Mr Trump uu yahay mid kasoo horjeeda qiyamka dalkaasi iyo danaha ammaan ee uu leeyahay.

COMMENTS
Latest News