Saxilnews.com
do Deg Deg :- Gudida Doorashooyinka Somaliland Oo Warbaahinta La Hadley Shaaciyeyna In Aanay Heynin Qeyb Ka Mid Ah Lacagtii Qaadhan Bixiyayaasha iyo Lacagta Maqan Cadadkeeda
October 30, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews):- Gudida Doorashooyinka Somaliland  oo goor dhaweyd warbaahinta kula hadley magaalada Hargeysa waxaa ay sheegen in hawlahoodu si wacan ugu socdaan isla markaana waxaa ay xukuumada ku amaaneen in ay bixiso  lacagta doorashada qeybtii kaga soo hagaagtey oo 4 million Dollar ah  .Geesta  Kale gudidu waxaa ay si cad u shaaciyeen in ay lacagtii doorashada iyo hawlaheeda lagu qaban lahaa ay ka maqan tahay lacag ay qadarkeeda ku qiyaaseen in ay tahay 4 Million oo dollar isla markaana ka mid ah lacagtii ay qaadhaan bixiyayashu ka bixin jireen doorashooyinka Somaliand .

Dhinaca kale gudoomiyaha gudida doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman Warsame oo hadalkiisa sii wata waxaa uu  qaadhan bixiyaasha uga mahad celiyeen in ay bixiyaan lacag dhan 2 Million oo Dollar taas oo qeyb ka ah kharashka ay ku bixin doonan khaadhadhka cod bixiyaasha  waxaana ay xusay gudoomiyuhu  hadii ay qaadhan bixiyayaashu ay lacagta 4 Million ah sidaas kula maqnaadan oo ay bixin wayaan in ay qaranka u taalo taladeedu .

COMMENTS
Latest News