Saxilnews.com
Diyaarad Waraaqo Ku Daadisay Deegano Ka Tirsan Dalka Somaliya + Maxaa Ku Qoran Warqadaha
June 4, 2017 - Written by suxufi

Moqdisho (Saxilnews):- Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada dhexe ee Koonfurta dalkaSoomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad aan la garanayn cidda iska leh ay waraaqo ku dul daadisay magaalada Jilib ee uu ka taliyo ururka Al-Shabab iyo degaanno kale oo ka tirsan Gobolka Jubbada Dhexe.

Wararkan oo aan ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in waraaqahaas la daadiyey ay ku qornayd farriin ugu baaqaysa Al-Shabab in ay ka faa’iidaystaan cafiskii uu bixiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kaasoo ugu baaqay xubnaha ku jira Al-Shabab in ay kaga soo baxaan ururkaasi muddo 60 maalmood ah.

Dhinaca kale wararka ka imanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in hawlgallo militari oo ka dhan ah Al-Shabab ay ka dhaceen gobolka saacadihii la soo dhaafay.

Warar dheeraad ah oo laga hellayo deegaanka Kulbiyoow ayaa sheegaysa in khadkii isgaarsiintu uu haatan ku soo laabatay magaaladaasi kadib hubka culus oo ay Al-Shabab ku tuureen magaaladaasi subaxnimadii hore ee Sabtidii.

Warar aanu ka helnay dadka degaanka ayaa sheegaya in weerarka Kulbiyo ay gaysteen tiro yar oo ka tirsan Al-Shabab kuwaasi oo rasaas ka dhacaysay qorayaha culus huwiyey ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya.

COMMENTS
Latest News