Saxilnews.com
Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Turkiga Burburtay , Goobta Ay Ku Soo Dhacdey Iyo Sababta Ay U Soo Dhacdey
January 16, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Turkiga (Saxilnews):- Diyaarad nooca xamuulka qaada ah oo dalkaTurkiga laga leeyahay ayaa ku dul burburtay caasimadda dalka Kyrgzstan ee Bishkek.

Waxaa shilkaasi ku dhintay 16 qof, waxaana dadka shilkan ku dhintay u badan kuwo deganaa guryihii ay ku dul dhacday diyaaradda.

 

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi Kysgztan ayaa sheegtay in duuliyihii diyaaradda iyo lix carruur ah ay ka mid yihiin dadka shilkaasi ku dhintay.

Diyaaraddan oo nooceedu uu yahay Boeng 747 ayaa ka timid dalka Hong Kong, waxa ayna u socotay magaalada Beshkek ee caasimadda dalka Kyrgzstan. Lamana oga sababta shilkan keentay.

COMMENTS
Latest News