Saxilnews.com
Diyaarad Ku Soo Socotey Garoonka Diyaaradaha Moqdisho Oo Laga Reebay Dhalinyaro Somali Ah Oo Laga Shikiyey + Garoonka Lagu Xidhay Dhalinyaradaas
July 2, 2017 - Written by suxufi
Nairobi (Saxilnews);- Wararka naga soo gaadhaya dalka Kenya waxaa ay sheegayaan inciidamada amaanka Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ayaa Diyaarad usocotay Magaalada Muqdisho kala hadheen 5 dhalinyaro Soomaali ah oo ka timid dalalka Dibada

Image result for jomo kenyatta airport

Diyaaradan laga reebay 5 Dhalinyarada ah ayaa ka soo kacaysay Magaalada Nairobi waxaana ciidanka amaanku dhalinyarada kula hadheen Garoonka diyaaradaha halkaas oo la sheegay in su’aalo lagu waydiinayay. Dhalinyaradan laga shakiyay ayaa qaarkood ka yimaadeen wadamada yurub.

Warkan ayaa sidoo kale baahisay Idaacada Dalsan ee magaalada Muqdisho, waxaana iminka dhalinyaradaan lagu hayaa Magaalada Nairobi

Diyaaradan laga reebay Dhaliyaradan ayaa waxa Saarnaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Somaliya Me. Shariif Xasan Sh Aadan iyo Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Qayb Diid).

COMMENTS
Latest News