Saxilnews.com
Diyaarad ku dhacday South Sudan oo ay dad ku dhinteen
November 4, 2015 - Written by admin

Diyaarad nooca xamuulka qaadda oo uu Ruushka sameeyay ayaa burburtay waxyar un kaddib markii ay ka duushay gagida diyaaradaha ee caasimadda South Sudan ee Juba.

Wararka ayaa sheegaya in in ka badan 40 qof ay dhinteen, iyadoo qaar ka mid ah dadka halkaasi ku dhintay loo malaynayo in ay yihiin dad ku sugnaa meesha ay diyaaradda ku dhacday.

Diyaaradda ayaa ku dhacday daanta bari ee webiga Niil.

Waxaa haatan soconaya baaritaan lagu baadigoobayo in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaaradda.

Wixii war ah ee arrintan ka soo kordha hadduu Alle Idmo waxaad ku maqli doontaan idaacahayaga soo socda.

COMMENTS
Latest News