Saxilnews.com
DIBAD BAXYADA DALKA IIRAAN OO SII XOOGAYSANAYA
December 31, 2017 - Written by editor

Iiraan:-(saxilnews.com) Dibad Baxyada Dalka Iiraan Oo Sii Xoogaysanaya 

TVga dawladda ayaa soo daayey muuqaallada dad dhar madow xiran oo jooga magaalada caasimadda ee Tehran.Lahaanshaha sawirkaIRINNImage captionTVga dawladda ayaa soo daayey muuqaallada dad dhar madow xiran oo jooga magaalada caasimadda ee Tehran.

Waxaa sii kordhaya isku dhacyada booliiska iyo dibadbaxayayaasha dalkaasi Iiraan.

Muqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ugu yaraan 2 qof oo lagu toogtay magaalada ku taalla galbeedka dalkaasi ee Dorud.

Magaalada Abhar, oo ku taalla waqooyiga dalkaasi dibad baxayayaasha ayaa gubay tabeelo uu ku dhaganaa sawirka hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan , Ayatollah Cali Khamenei.

Dibadbaxayayaasha ayaa sidoo kale magaalada Mashdad ku gubay gaari ay booliiska leeyihiin iyo mooto.

Caasimadda Tehran, ayaa waxa ay dibad baxayaasha ay isgu soo baxeen bartamaha magaaladaasi waxa ayna booliiska iyo militariga ay ugu baaqayeen in ay ku soo biiraan.

Madaxwayne Trump ayaa bartiisa tweetarka ku qoray in xukumadaha wax cadaadiya aysan sii waari

COMMENTS
Latest News