Saxilnews.com
Dib U Dhaca Doorashada Ma Madaxweynaah Iyo Xukuumadiisaa Leh Mise Cirro Iyo Baarlamaankiisa ?
April 8, 2015 - Written by admin

Qormadaydan waxaan damacsanahay inaan kaga hadlo arin taagan oo ah doorashada Somaliland, Doorasahda Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo la waday inay qabsoonto 26ka jun ee sanadkan gudihiisa ayaa sidaa la wada socotaan waxaa ku yimi hakad iyo dubu dhac, kolay eedeeda waxaa iska leh ciduun  cidii lahaydna maaha inay iska riixdo oo cid aan eeda lahayn ay saaraan waajibku wuxuu yahay inay qirtaan  oo badheedhahooda cadaystaan.

Golaha 82-ka mudane  ee fadhiya kuraasta baarlamaankeena waxaa lasoo doortay saandkii 2005 maantana waxaa la marayaa 2015-ka mudadii sharcigu dhigaayeyna waxay ahayd 5-sano inay xasaanada hayaan ka dibna ay baneeyaan  kuraasta si kuwo kale looso doorto,  balse may dhicin waxay fadhiyeen 10-sano oo qeyrul sharci ah, Gudoomiye ciro waxaa dhawaan lagu eedeeyey inuu noqday Budhcad sharci oo xeerkii Madaxweynuhu usoo gudbiyey  ee goluhu ansixiyey uu bedelay isaga iyo xildhibaano xisbigiisa ah, arintaasi ay ka xanaaqeen guurtidu dibna ugu soo celiyeen

Golaha baarlamaanku oo uu ugu horeeyo Ciro sharci daradii ay ku fadhiyeen kuraasta waxay ku darsadeen sharci xumo iyo inay marba xeerarkii bedelaan,  xaqiiqada inoo cad waxay tahay  82- xildhibaan isku daroo  midna anaanu  doonayn inuu kursigaa baneeyo midkastaana  wuxuu doonayaa inuu xaaraan kusii fadhiyo, cirana waa kaga raali oo isna wuxuu doonayaa inuu kursigaa gudoomiyenimada  xaaraantaa ku haysto  kuna ishaa falataysto  laba kaadhle nimadiisa .

Hadii aynu Gudoomiyaha soo qaadano waa cirro ee isagoo baarlamaanka horjooge u ah Toban sanadood oo xaaraana  soo fadhiyey  hadana waa gudoomiye xisbi mucaarid waliba waa musharax madaxweyne, waxaa la ogaa kursigaas inuu cabdiraxmaan si uu ugu sii fadhiyo dhiig u daatay oo dad dartii ugu dhinteen, Cirro waa” Hasha Geela Xunta Ee Cabaadda”  waayo isagoo sharci dajiye ah  in shaqadii looga baahnayd ee ahayd inuu dhameeyo xeerka doorashada   waliba wakhtigiisa intuu xaafadiisa dhigtay 5-bilood la hurday  hadana uu ku eedeeyo xukuumada waa midaan caqliga wanaagsan sinaba uga dhaadhacayn.

Madaxweyne Siilaanyo waa nin waayo arag ah wax badan usoo joogay dan kursiga uu maanta ku fadhiyana dan uu leeyahay uguma fadhiyo ee dan shacab iyo maslxad qaran buu ugu fadhiyaa,  silaanyo waa ninkii 80-ka cod ee laga musuq masuqay  haneeyey gobanimada ka raacay, qarankiisa iyo dadkiisana ugu tudhay inuu sameeyo tanaasul waliba iyadoo xaaraan lagu qaatay codadkiisii,  halkaasad ka garan kartaa inaanu ahayn nin kursi jecel waayo haduu kursi jaceyl hayo maalintaa wuu ku dagaalami lahaa, Waliba isagoo jabhada duurka iyo xaska usoo galay  si uu dadkiisa iyo dalkiisa uga  samata saaro rajiimkii Cabdiraxmaan Ciro Golaha  Baarlamaanka iyo xisbigiisa Wadaniba ka dhegaysan mayno nagana dhaadhicin mayaan doorashada siilaanyaa dib u dhigay  dhaliisha idinkaa leh cidina idinlama wadaagto, Sidaad dantiina gaarkaa u ilaashanayseen baad dantii qaranka daayacdeen.

Cali Xasan

calixasan806@gmail.com

COMMENTS
Latest News