Saxilnews.com
Dhismaha Berbera Iyo Musuq Maasuq Gabiley ” Xageebuu Ku Danbeeyey Dhismihii Labada Dabaq Ahaa Ee Haayaduhu Bixiyeen ”
March 14, 2015 - Written by admin

Guri Ka Kooban Laba Dabaq Oo Loo Dhisayo Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Deegaanka Gabiley Iyo Maamuulkooda Oo Ay Hirgalinayaan Haayadaha Qaramada Midobay Ee Ku Bahoobay Mashruuc JPLG Ee Lagu Caawiyo Dawladaha Hoose Ee Dalka.

Gurigani Oo Uu Dhagax Dhigay Madaxweyne Siilanyo Markii Uu Ka Qayb Galey Dufacadii Koowaad Ee Ka Qalinjabisay Jaamacada Timada-Ade Ee Gobolka Gabiley Wakhtigaasi Oo Ay Ku Beegney Octobar2013 , Markaasi Ka Dib Oo La Bilaabay Dhismihiisa, Oo Mudadaa Labada Sano Iyo Badhka Ahna Uu Soo Jiitamayey Dhismihiisu ,Ayaa Sanadkanka Cusub Ee 2015kii Gabogabo Kudhawyahay .

11009036_863016903758548_1720496969_n11016756_863016897091882_356328903_n

Mudadaa Labada Sano Iyo Badhka Ee Uu Gurigani Qabyada Ahaa Una Cadilnaa Lacagtii Kabka Ahayd Ee Ay Dawlada Hoose Kaga Qayb Qaadaneysay Gurigani Oo Shuruudu Ahayda Ina 8% Ay Bixiso Lacagta Ku Baxaysay, Taasi Oo Ay Dawlada Hoose Awoodi Weydey Bixinteeda Dalabna Waydiisatey Shirkada Isgaadhsiinta Ugu Balaadhan Somaliland Ee Telesom, Taasi Oo Shirkadu Dalabkoodii Ka Aqbashay Ugu Deeqdey Lacag Dhan $6000, Oo Saamaxdey Inay Gurigii Qabyo Tirito, Gurigani Dabaq Ah Ee Jiingada Lasaarey Ayaa Soo Jiitey Indhaha Dadweynaha Ku Dhaqa Magaalada Gabiley Oo Dadweynahuna Aad U Hadal Hayaan, Maadaam Dawlada Hoose Ay Tahay Degmada Labaad Ee Ugu Dakhliga Badan Somaliland Lana Filayey Inay La Tartanto Degmooyinka Kale Ee Dalka Ee Faceeda Ah Oo Ku Talaabsadey Waxqabadyo Tiro Beeley Oo Xukuumada U Riyaaqdey .

11015470_863016850425220_1206774881_n11063052_863016847091887_110657937_n

Isku Soo Wada Duuboo Degmada Gabiley Ayaa Hada Ku Jirta Go,Doon Dhinaca Waxqabadka Ah Oo Dhinackasta Ah Oo U Baahan Gurmad Degdeg Ah Oo Gudo Iyo Dibada Ah, Maadaama Xukuumada Ay Matalayeen Ee Ku Shaqada Lahayd Ay Faraha Ka Laabatey Duruufaha Qalafsan Ee Ku Gadaaman Magaalada Gabiley, Iyada Oo Mudooyinkii U Danbaysay Taageeradii Xuukumadu Ku Lahayda Gobolka Gabiley Ay Faraha Ka Baxdey Iskuna Badashay Mawjado Taageera Xisbiyada Mucaaridka Ah, Waxaaney Dadweynuhu U Dhagtaagayaan Talaabooyinka Ay Xukuumadu Qaado Bilaha Soo Socda Maadaama Oo Markii Hore Degmada Gabiley Uu Gacanta U Galiyay Wasiirkii Hore Ee Maaliyada Cabdicasiis Samaale Koox Dadweynuhu U Yaqaanaan Budhcada Samaale Gabiley U Soo Dirtay Ay Gacanta Ku Haysay , Kuwaasi Oo Aan Waxba Kala Xishoon Jirin Dadweynaha Oo Dakhliga Magaalada Gabiley Sida Ay Doonaan Ugu Tagri Fali Fala , Waxaana La Filayaa Maadaama Oo Uu Imaka Meesha Ka Baxay Mas’uulkii Meesha Ku Hayay In Ay Wax Iska Badali Doonaan Dhibaatooyinkii Badnaa Ee Ay Ku Hayn Jireen Dadweynaha Reer Gabiley Isla Markaana Dakhligii Magaalada Loo Gacan Galin Doono Cid Daacada OO Dadweynaha Reer Gabiley Si Siman Ugu Shaqaysa .

Saxilnews.com

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News