Saxilnews.com
Dharaaro Xusuustood
February 22, 2019 - Written by editor

Maxamed Siciid Gees

Warsan iyo weedhsan ii soo waceey, warsan iyo weedhsan ii soo waceey Amina Fayr

Waxa la yidhi, haddii nin geel uu la joogi jiray ka tago oo geel kale doonto wax keliya ee uu korodhsadaa waa hashaasna maxaa la yidhaahdaa?” Turkiga waxa aad la kadeedmaysaa koob shaah ah iga iibiya (Lutfan bir jaayi.) Maalin oo dhan shaahaas ayaa galaasyo aan dheg la qabto lahayn lagu cabbaa oo aad ku xiiqaysaa. Shaahu waxa uu la kawsaday reer magaalanimada Soomaalida:

Wax shan beesadood lagu shabaco, shaahow adigaa leh.

Sagbadaana qaad anigaa shubee, shaahow adigaa leh.

Taariikhdu markii ay ahayd sannadkii 1964-ka oo ah markii aan u gudbay Dugsiga Sare ee Sheekh, waxa na loo sheegay sheeko-beriyeed hore oo ay leeyahay magaalada Sheekh. Magaalada;

Buuraha dhinaca Woqooyi ka xiga waxa la yidhahaa; “Khayr laga naadi.”

Buuraha dhinaca Koonfur ka xiga waxa la yidhahaa; “Shar laga naadi.”

Sheekadu waxay sheegaysaa in magaalo hore oo meesha ahayd oo aataartii sii muuqato uu u soo hoyday nin dameero wata oo buurta Koonfureed ka soo galay Magaalada Sheekh, kadibna magaaladii waxa ka dillaacay cudur oo dadkii ayaa tarab-tarab u daatay, meydkii ayaa wax aasa la waayey.

Sidoo kale nin sheekh ah iyo xertiisii ayaa magaalada ka soo galay dhinaca buurta Woqooyiga, kadibna kuwii ayaa aasay dadkii cudurka u dhintay, sidaas ayaa labadii buurood lagu kala bixiyey magacyada, magaaladiina loogu bixiyey Sheekh.

Filimada, riwaayaduhu iyo sheekooyinku waa inay ku dhammaadaan guul iyo khayr, haddii atooraha la dilo daawadayaashu waa xannaaqaan. Nolosha oo dhan ayaa ku dhisan filasho iyo rajo wanaagsan. Sidaas darteed, warsan iyo weedhsan u soo wac Somaliland. Telefoonka farriidka ah (smart telephone) ayaan inta badan weheshadaa.

Haddaba, maalin dhowayd waxa jaajaalaha la iigu soo diray sawir waayo hore la iga qaaday anigoo intan ka da’yar. Sawirkii ayaan u kala diray ciyaalkii oo daafaha dunida u kala hayaamay, inantii ugu yarayd oo lix sanno ah oo dalka Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) deggan ayaa ugu horreysay inay ka faalooto sawirkii. Waxay Afka Ingiriiska ku tidhi; “Daddy is cute’’ oo la macno ah; ‘Aabbe waa quruxlow.’ (Waa halkii reer Xamarkee). Waa bishii jacaylka eh, haddii aan hooyadeed sidaa odhan. kkkkkkkk.

Aniga oo la mabsuuday sheekadii oo nabarkii iyo cidladdii ka roonaaday ayaa farriin kale ka timi inan/Wiil isagu Maraykan jooga, waxa uu yidhi; “Sawirkan aad yar tahay waa goorma?” Waxaan u sheegay in muddo 15 sanno ah laga joogo, markii la iga qaaday.

Diihaalkii iyo duruuftii adkayd ee Somaliland soo martay ayaa i gabboojisay ee nin yar ayaan ahay, kadibna waxa uu ii soo gudbiyey qoraal ka soo baxay Ururka Freedom House oo lagu soo daray Somaliland oo ka madaxbannaan oo gaar ka ah Soomaaliya oo Khariidadda dunida (World Map) ku jirta.

Warbixinta sannadlaha ee ururkaasi ka saaro xaaladda xorriyaadka dadweynaha dalalka dunida ku kala nool, waxa uu yidhi; “Speaking about Somaliland world freedom release report for 2019 which they recognized Somaliland as separate country from Somalia, more freedom than all Arab and most of African countries and even in Russia .That is something to celebrate for the 15 years.”

Warbixintii Freedom House ayaan raadiyey mise waa guul weyn. Carabtii: Carabi dheg cas, caantayn dhegela xaggee Somaliland kaga tagtay. Kkkkk oo kuwii IGAD maxaa ku dhacay iyana Kenya ayaa ka soo gudubtay.Xiitaa bilaash-xaytihii Ruushka waxa boodhka kaga tagtay Somaliland. Waar ma aragtay kuwii Farmaajo iyo Marmalaado meesha iyaga iyo Soomaaliya galgalanayaan?

Freedom House oo ah Urur madaxabannaan waxa la asaasay sannadkii1941, dagaalkii adduunka ee labaad oo keli-talisnimada lala dagaalamayo. Waa Urur Maraykan ah oo ugu horreeyey inuu u ololeeyo xorriyaadka iyo xuquuqaadka dadnimo ee dadweynaha dunida ku kala nool. Yaa salaam .Maxaa kuu baxay boowe!!

Maxaad u malaynaysaa marka aan doorashada golayaasha Wakiillada iyo Dowladdaha Hoose ay qabsoonto sannadkan 2019; Golaha Guurtidana sannadkan dambe la soo xulo, oo dalka ay taladiisa gacanta ku wada qabtaan Golayaal iyo Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeen la soo wada doortay oo aan muddo-kordhin ku joogin?

Xisbiyada Qaranka ayaa ka heshiinaya arrimaha taagan oo waa loo kacayaa, duco-qabayaalka Guddiga Doorashooyinku waa ay iska nasanayaan iskood. Saami-qaybsiga kuraasida waa lagu heshiinayaa oo qolada darafyada ayaa la odhanaya; “Inoo qaybsha.” Iyana gobonimada ayey dhowran doonaan. Qolada dhexena waa ajiibaysaa sidii lagu yiqiin Abshir. Bal dayaay ayaamuhu isku derajo maahee.

Waa bishii July 1993 iyo Ceerigaabo, Shirkii Nabadaynta Beelaha Sanaag. Ergo ka timid dhinaca degaanka Badhan ayaan ka mid ahaa, magaalada Ceerigaabo Beelaha Harti waa ka maqan yihiin. Waxa aannu marti u nahay Ismaaciil Xaaji Nuur aniga iyo Mujaahid Bayr oo aannu Reer Abti u nahay. Xaaji Cadami iyo Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine) iyana xaafad abti loo yahay ayaa martigelisay Habro ayaa la isku dhaafaa ee haddaanan Habar-yartay keenin.

Waxa aan u baahannay meel aan ku faqno, laba gabdhood oo Reer Badhan ah ayaa noo goglay qol ay guri ka ijaarteen/kiraysteen, kadibna markii aannu gurigii tagnay, mise waa gurigii Awowgay Xaaji Maxamed Gees oo qolo haysto, kana kireeyey gabdhaha qolkan nala fadhiisiiyey.

(Awawgay waxa uu ka mid ahaa saddexdii qoys ee Warsangeli ee ugu horreeyey inay Ceerigaabo guryo ku yeeshaan. Labada kale waxay kala ahaayeen Xaaji Cumar Hoore iyo Xaaji Maxamuud Isdeldel. Dhinaca Berbera ayey ka tageen.)

Anaga oo meeshii fadhina ayaa waxa kedis noogu soo galay afar dhallinyaro ah oo boodh leh oo qoryo sita oo soo jiidhay gabdhihii oo daba carraraya. Dhallinyaradu waxay wateen oo ka soo degeen baabuur Qori Suu ihi saaran yahay. Waxay hadal ku bilaabeen; “Mee Maxamuud Cabdi Xaamud?” Ninka la sheegayaa waa Macallin Nine. Waa nala fadhiyaa, waxa aannu nahay;

Aniga (Maxamed Siciid Gees)

Cadami

Bayr

Iyo Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine),

Naxdin! Bal ayaa juuq yidhaahda oo u jawaaba dhallinyaradii? Talo dihatay. Saw haddii aad tilmaamto lagu fur’e? Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine) Geesi (Geesi alle ma xillo), ayaa u jawaabay oo yidhi; “Maxaad ka rabtaan Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine)?”

Dhallinyaradii waxay yidhaahdeen; “Niman Urur-suge ah (waa ardaa Beesha Muuse Ismaaciil ah oo waa Maxamed Muuse) ayaan nahay oo Jiidali (oo Ceerigaabo bariga ka ah) ayaan ka nimi markaan maqalnay inuu Maxamuud Cabdi Xaamud (Nine) joogo Ceerigaabo, si aan loo dhibin oo waanu u soo gurmanay.” Neef ayaa naga soo booday oo jawigii ayaa isbeddelay. Waxa qabiilkan Urur-suge ahayd ama ka soo jeeday xaaska carruurta waaweyn u dhashay Maxamuud Cabdi Xaamud (macallin Nine) oo degan dalka Maraykanka, markaa dhallinyaradu xididkiis ayey noqdeen oo la is-gartay oo la faqay, la isna warsaystay. Gobonimo dheh. Dhacdooyinkaas iyo warar kale oo ka xiiso badan ayaan u soo taagnaa. Warsan iyo weedhsan u soo waceey dalka iyo dadkaba oo noqo khayr laga naadi ee ha noqon Shar laga naadi.

Maxamed Saciid Gees

Ankara Turkey

16/2/2019

COMMENTS
Latest News