Saxilnews.com
Dhaqamada soo jireenka ah ee habeenka aqalgalka ee Afrika iyo Aasiya
June 17, 2019 - Written by editor
.
Image captionDhageysiga shanqarta lammaanaha

Bulsho walba oo dunida ku nool waxay leedahay dhaqan soo jireen ah, laakiin iyadoo dhaqanno badan laga tagay markii ay dunidu horumar sii gaartay, wali waxaa jira kuwo aan laga tallaabsanin, balse sii xoogeystay.

Qaar ka mid ah waddamada Aasiya iyo Afrika, waxaa aad looga qaddariyaa dhaqannadii qarniyo ka hor soo jiray, gaar ahaan kuwa ku saabsan Guurka iyo hab dhaqanka reeraha.

Hase yeeshee, waxay dadka qaarkood arrintaas ku tilmaameen mid caqabad ku ah dadka hadda jooga xilliga casriga ah.

Xitaa Soomaalida dhagahooda kuma cusba dhaqannada laga tix galiyo dhinaca guurka, waxaana bulshooyin badan caado u ah inay xeerkaas ilaaliyaan.

Meelaha qaar, xubno ka tirsan qoyska ayaa duleedka aqalka lamaanaha ka dhageysta shanqarta, si ay u xaqiijiyaan qaabka ay wax u socdaan.

Inta badan guurka noocan ah wuxuu dhex maraa gabadhaha iyo wiilasha la isku dooray ee waalidiintooda ay arooska u qabanqaabiyeen.

Kuwa ugu waaweyn waxaa ka mid ah in gabdha marka lasoo guursado ay cid walba u kuur gasho inay ahayd mid sharafteeda dhowri jirtay oo sugeysay ilaa inta laga guursanayo.

Nooc ka mid ah dhaqannada sida weyn dunida looga hadal hayo, layaabna lagu tilmaamay wuxuu ilaa hadda ka jiraa Gobolka Caucasus, oo ku yaalla dhulka u dhaxeeya Badda Madow iyo badda Caspian-ka, halkaasoo ay isku heystaan dalalka Armenia, Azerbaijan, Georgia iyo Ruushka.

Gabar magaceeda runta ah la qariyay oo loo bixiyay Elmira ayaa ka sheekeyneysa qiso dhab ugu dhacday.

In subixii lasoo bandhigo go’a saarnaa sariirta ay ku seexdeen lamaanaha habeenka ugu horreeya arooskooda

Elmira waxay xasuusataa sida guurkeedii loo waafajiyay dhaqanka reerkeeda.

“Markii uu billaabay inuu dharka isaga siibo horteyda, galbintii arooska kaddib, Waxaan dareemay cabsi aad u xoog badan”, ayey tidhi.

“Waxaan isku dayay inaan isdajiyo, oo aan nafteyda ku qanciyo in arrintani ay khasab tahay inay dhacdo, balse cabsidii wey igu sii badatay, waxaana ogaa in aniga qudheyda la iga doonayay inaan dharka iska bixiyo”.

Elmira , waxay ahayd 27 jir, markaas unbayna soo dhammeysay waxbarashadeeda jaamacadda, waxayna ka shaqeyneysay shaqo Turjumaannimo ah.

Ninka guursaday wuxuu ahaa qof ay waalidiinteeda usoo xuleen, iyaduna way oggolaatay, “si ay hooyadeed u farxad galiso”.

“Wuxuu ahaa dariskeenna, aad baan u kala duwaneyn, wuxuu ahaa qof aan waxba baranin, ma jirin meel aan isku mid ka nahay”, ayay tidhi.

Elmira waxay dhowr jeer hooyadeed u sheegtay inaysan wali diyaar u ahayn inay guursato.

.
Image captionDhaqannada dhinaca guurka qaarkood ayaa wali sii jira

Balse hooyadeed waxay qaraabadii kale u sheegtay inay arrinta ku cadaadiyaan, dadka oo dhanna markaas waxay ka shakisanaayeen in gabadhu ay ‘bikro’ tahay iyo inkale.

Qof kasta wuxuu ogaa ceebta qoyska soo gaari karta, haddii gabadhooda ay waafaqi weyso dhaqankii soo jireenka ahaa.

Waxaa caado ah in habeenka arooska subaxdiisa bulshada loo soo bandhigo go’ii saarnaa sariirta ay lamaanaha ku seexdeen markii ugu horreysay.

Dabcan waxaa la fishaa in go’u uu dhiig yeesho, taasoo caddeyn u ah in gabadha la guursaday aysan waligeed horay nin kale gogol ugula kulmin.

Markii la ogaaday inay guurka ka caga jiideyso, qof walba wadnaha ayuu farta ku hayay, waxaana go’aan lagu gaaray in mar qura lasoo afjaro sheekada, oo gabadha la guursado.

Laakiin run ahaantii, Elmira waligeed xiriir gogol ma sameynin habeenkii arooskeeda ka hor.

Markii aqalkooda loo soo galbiyay habeenkii, ninkeedana uu billaabay inuu xiriirka gogosha la sameeyo, waxay maqashay codadka dumar ku jiray qol kale oo ku dhagganaa.

Waxaa qolka ku xiga joogay Elmira hooyadeed, labo habaryaraheed ah, sodohdeed iyo haweeney kale oo qaraabadooda ah.

.
Image captionGabar aroosad ah oo murugeysan

Dhammaantood waxay halkaas u joogeen arrin waafaqsan dhaqanka, taasoo khasab ka dhigeysa in haweenku ay dhageystaan shanqarta lamaanaha, si ay u xaqiijiyaan in gabadhu ay ku xanuunsatay xiriirka gogosha, taasoo caddeyneysa inay aroosaddu ‘bikro’ tahay.

“Waxaan maqlayay cod kasta oo ay dumarkaas sameynayeen, waxaana la gariirayay xanuun dartiis, ceebna waan dareemayay, waxaan niyada iska dhahay; arooska ma sidan buu ahaa?”.

Haweeney kale oo qaraabo la ah ayaa iyadana gudaneysay waajibaadka dhaqan ee ah in qof dumar ah ay qolka arooska hor fadhido habeenkii oo dhan.

Mid ka mid ah shaqooyinkeeda waa inay diyaar u ahaato gabadhii aan horay waxba uga aqoonin arrimaha gogosha oo qolka kasoo cararta una baahata inay talo ka hesho haweeney khibrad leh.

Shaqada kale ee haweeneyda aqalka arooska hor fadhida ay qabaneyso waa inay subaxdii soo qaaddo go’ii saarnaa sariirta ay lamaanaha ku seexdeen.

In go’a saarnaa sariirta ay habeenka ugu horreeya ku seexdeen lamaanaha lasoo bandhigo waa dhaqan aad awood ugu leh gobolka Caucasus.

Dhiigga ku yaalla go’a ayaa qaraabada u caddeynaya in gabadhu ay ahayd mid aan nin kale horay usoo marin.

.
Image captionTallaabo kale oo dhaqanka waafaqsan

Koox rag ayaa calan laga sameeyay go’ii dhiigga lahaa ka qotomiya goob fagaare ah, waana tallaabo kale oo la xiriirta dhaqankaas.

Markaas kaddib, qoysaska labada dhinac ayaa u hambalyeynaya lammaanaka isguursaday.

Markii la arko go’a oo dhiig leh ayuu dhamyetirmaa tiirka ugu muhiimsan ee arooska.

Kooxaha xuquuqda dadka u dooda ee dalka Azerbaijan ayaa sheegay in dhaqankan xasaasiga ah uu ku badan yahay deegaannada miyiga ah ee waddankaas.

Xitaa meelaha qaar, arooska ka hor, haweeneyda waxaa loo geeyaa dhaqtar hubiya inay ‘bikro’ tahay.

COMMENTS
Latest News