Saxilnews.com
“DHAQAALIHII DALKA WAXAA HAYA WADAADO, SIYAASADIINA WAY GALEEN EE SIDEE LOO KALA BAXAYAA”?
March 3, 2015 - Written by yusuf maxamed

Hatgaysa(saxilnews.com)    Gudoomiyaha Xisbiga talada haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa cabbiray aragtidiisa Hab dhaqanka Culimada Somaliland, isagoo Kaftan uu Culimada ula holladay ku muujiyay inay Culimadu galeen siyaasadda iyo fagaareyaasha la isku xag-xagto, isagoo sidoo kalena dareensiisayay inaanay Diinta sidii munaasibadka ahayd ugu dhaqmin. Wuxuu sheegay in Maciishadu qaali tahay cidda gacanta ku haysaana Culimada tahay, sidoo kalena ay dhex galeen siyaasadda oo uu ku tilmaamay cidda gasha kuwo Beenaale ah, Khaa’in iyo dad xun ah.

Gudoomiyaha ayaa aragtidiisan ku soo bandhigay todobaadkan Hadal uu ka jeediyay Munaasibad lagu daahfurayay Shirkad cusub oo adeeg caymis Islaami ah bixinaysa oo Hargeysa lagu daahfuray. Warbixintan ayaa maalintaasi saxafiyiintii goobta joogay lagu codsaday, laguna qanciyay inaanay baahin warka Muuse Biixi, hase ahaatee Saxaafadda oo warkan aakhirkii heshay waxa uu Muuse hadalkiisa ku bilaabay

“Horta wadaadada ma lala kaftami karaa mise Qaala-laahu Tacaalaa ayuun bay kaa horkeenayaan?, laakiin waxaan leeyahay wadaadada waar dhaqan cusub baa inagu soo baxay oo wadaadku wuxuu isa soo ataagay  halkii lagu maagi jiray cid walba. Dhaqaalaha dalka wadaado ayaa haya maanta, nin taajir ahna waa la caayaaa oo waa la tuurtuuraa, ilayn inta uu qadinayo ayaa badan, inta uu dhaafayo ayaa badan oo wax uun baa lagu sheegaa, markaa wadaado halkii baad timaadeena haddii la idin yara tuurtuuro ha diidina” ayuu yidhi Muuse Biixi.

Muuse Biixi waxa uu sheegay inay arrintaasi ka sii daran tahay Siyaasadda oo Culimadii gashay “Waxaa ka sii daran siyaasadda oo mar haddii aad siyaasiba tahay tuug ayaad tahay, beenaale ayaad tahay, khaa’in ayaad tahay oo nin xun baad tahay, inanka wanaagsanna gurigiisa ayuu joogaa(Saaxadda Siyaasadda ma soo galo) laakiin, haddaad fagaaraha iskeento Ogolow in wax lagaa sheego”

Gudoomiyaha Kulmiye waxa uu intaasi raaciyay “ Horta Culimooy siyaasaddii ayaad soo gasheen ee su’aashu waxay tahay garoonkii ayaad iskeenteene sidee ayaa loo kala nabadgelayaa?, taas cid kale ayaa ka talin doonta oo aniga culimadu waa culimadaydii oo way wanaagsan yihiin, meesha ay yimaadeenba way ku wanaagsan yihiin”Muuse Biixi waxa uu sheegay inay Dhaqaalaha dalku gacanta ugu jiro Culimada dalka “Maanta dabaqada dalka ugu saraysa ee dhaqaale lehi waa Culimada.tacliinta idinka ayaa gacanta ku haya, isgaadhsiinta idinka ayaa haya, dhakhaatiirta idinka  ayaa haya, Bakhaarrada idinka ayaa haya, Xaddiiskiina waad haysaan oo intaas waad na waaninaysaan, idinkoo nagu waaniya danyarta hoos ha loo eego, agoomaha ha loo naxariisto, waxa aanu leenahay waayahaye ee dugsiyada aad dhigaysaan ee waliba lagu baranayo diinta dadku ha wada barto oo kii dollar haystaana ha barto, kii dollar waayana  yaanu qadin ee tacliinta ina wada gaadhsiiya walaalayaal”

Muuse Biixi oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Bakhaarradii idinka ayaa haysta oo soo dejiya cuntada, ixtikaatkuna waa xaaraan oo waad taqaaniin, baayac-mushtariga dhiig-miiradka ahina waa kii aynu ka dagaalannay,markaa haddii aad tihiin culimaddii cuntadu yay eagu qaaliyoobin ee noo jabiya, illaahay ka yaaboo.

Shidaalka waxaa keena Culimo, adduunkiina wuu ka jabay, innagana insha Allaah wuu innaga jabi doonaa.Waxa aan leeyahay Illaahay(SWT) ha inoo barakeeyo Culimada, Maalkana ha u sii balaadhiyo iyaga uun baa inoogu dhaw cid wax haysa oo way dhaqaaleeyaan xoolaha, waxa kalena way ku ciyaaraane” ayuu Muuse Biixi ku gunaanaday aragtidiisa Culimada.

Muuse Biixi Cabdi, ayay muddo siyaasadda ku loolamayeen Wasiirkii Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, oo ah dadka ku fiican aqoonta Diinta islamarkaana ay si aada isugu qabteen hogaanka Xisbiga Kulmiye.

saxilnews.com//hargaysa//office
hamza  barkhad
Hamzabarkhad@yahoo.com

COMMENTS
Latest News