Saxilnews.com
DHALINYARADA SUBEER AWAL OO KULAN KU QABTAY BUURTA SHEEKH DUSHEEDA OO KU HANJABAY INAY BUURTA XIDHI DOONAAN HADII AAN XORIYADIISA LOO SOO CELIN SULDAAN MAWLIID SABEYSE
September 19, 2015 - Written by admin
Sheekh (saxilnews.com)-Ururka Dhalinyarada Jiidali iyo Subeer Awal ayaa Maanta kulan ay ku qabteen Buurta sheekh ee Magaalada Sheekh waxay ku Canbaareeyeen Xadhiga lagula kacay Suldaan Mawlid(Sabayse) kaas oo Magaalada Hargaysa ay xalay ciidamada Boolisku  kala baxeen Gurigiisa,sidoo kale dhalintani waxay ka hadashay wareenjinta haamaha shidaalka iyagoo sheegay inaanay marnaba yeelayn in haamaha kaydka shidaalka la wareejiyo’
Ugu Horayn waxaa halkaasi hadlay’C/Samad Axmed Boon Gudoomiyaha Jiidali ee Gobolada Bari  ayaa yidhi”Waxaan leeyahay Suldaan Mawliiid hadii aan Afar iyo Labaatan Saacadood hadii aan lagu soo dayn waxaa dhici doonta in dariiqyadu xidhmaan hadii kana kici mayno halkaa aanu iminka fadhino ee Buurta sheekh ayaanu ku raashin karsanaynaa waanan fadhiyaynaa,wixii ka dhaca ee dadkaas dariiqyada maraya gaadha Xukuumadaa qabta,Haamaha shidaalka ee doonayso in xukuumadu wareejiso wax ka soconayaa ma jiraan,waxaan leeyahay ninka lacag iska galiyaa cidluu iska galiyay,Buurtuna waxaan leeyahay oo aan dadka socoytada ah ogaysiinayaa hadii aan la soo dayn Suldaanka inaan la mari doonin”ayuu kaga baxay ahadalkiisii.
Gudoomiyihii Hore ee Degmada Qoyta Xasan Ibraahin oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi’waxaan umada Somaliand  in dawladaa taagta daran leh ee wakhtigeedu dhamaaday ee wadanka Boobaysa inaay wax hanti ah isaga dhiibin,hadii aanu nahay beesha Subeer Awal guriyagii beel ahaan baa loodaatay waxaanu ugu baaqaynaa in Suldaankaas la xidhay afar iyo labaatan Saac lagusii daayo,hadii aay sii dayn waydo iyaadaa ka masuul ah’ayuu hadalkiiisii kusoo jaray.
Gudoomiyaha Jiidali ee Saaxil Bashiir  Cumar Cilmi Qabile ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”Dawladu markii ay ku fashilantay Maamulkii iyo taladii wadanka ee ay haamihii iibisay ee dakedii iibisay maanta waxay maraysaa dadka madaxoodii,waxaan u malaynayaa in Suldaankaas la qabtay in cid laga iibinayo,dawlada waxaan ugu baaqayaa in sideg deg ah Xoriyadiisii loogu soo celiyo,hadii aan ka hadlo arinkaas haamaha mid cuntamaya maaha madaxwaynaw hadii aad haamihii iibisay anigoo Bashiir ahna dawgan gaydh baan u samaysanayaaye oo ganjeel baan ku xidhayaaye  hayga iibiyo,cashuurtana dadkaan kaga ururinayaaye dawladana wax baa uga soo xeroonayee,hadii arintu sidaas tahay,hadii kale waxaan leeyahay hantida umada haloo daayo hadii waxa walba la iibiyo dadku halkeebay ku noolanayaan.
Maxamed Cabdi Diiriye Xayd oo isna kulankaas ka hadalay ayaa ku tiraabay”Waxan arki jiray tuug guri u dhacda ee maan arag dawlad guri beeleed u dhacda’
Suldaankaas falka lagula kacay waanu ka dhiidhiyaynaa hadaanu nahay Dhalinta reer sheekh,dalaka hala maamulaa dawlada lagu ogaa ee guryaha haloo daato lama odhan”sidaa waxa yidhi Gamaal Aadan C/laahi
Ibraahin Axmed Maxamud ayaa ugu danbayntii halkaasi dawlada uga soo jeediyay in suldaankaas sida ugu dhakhsaha badan loo soo daayo.
maxamed xasan
saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News