Saxilnews.com
Dhaliilaha Wasaarada Waxbarada Gobolka Saaxil Dul Hoganayaa Maaha Kuwo Loo Dul Qaadan Karo.
February 18, 2019 - Written by admin

Berbera (Saxlnews.com)-Wasaarada Waxbarashadu Waxay Kamid Tahay Wasaaradaha Dalka Ee Fuliya Baahiyaha Aas Aasiga Ah Ee Bulshadu Ubaahan Tahay, Oo Ay Ugu Horayso Waxbarashadu,In Loo Sinaadaana Waa Mid Muhimadeeda Leh .

Maamulka Wasaarada Waxbarashada Ee Gobolkastaa Waxa Muhiima Inay Bulshada Si Siman Ugu Adeegaan Iyagaan Cidgaara Muhiimada Siinayn,Qof Jeclaysina Kafogaanaya.

Hadaba Aan Dulucda Usoo Degee Wasaarada Waxbarashada Gobolka Saaxil Ee Ibraahin Digaale Gudoomiyaha Kayahay, Xasan Roodhina Kuxigeenka Arinkaasi Gebi Ahaanba Kama Jiro.

Wasaarada Waxbarashada Gobolka Saaxil Waa Wasaarad Cidgaar Ahi Gacan Bidixayso Ee Maaha Wasaarad Dadku Usiman Yahay.

Gudoomiyaha,Kuxigeenka,Khasnajiga,Xisaabiyaha Iyo Dhamaan Kormeerayaashu Waa Isku Dhinac Marka Hal Qof Laga Reebo.

Hadaba Markan Sidaa Leeyahay Wasaarada Kuma Eedaynayo In Group Isku Cid Ahi Xuurtaysteen, Sababtoo Ah Waxdiidayaa Majiraan In 100 Qof Oo Walaalo Ahi Ama Hal Faamli Kasoo Jeedaa Hal Wasaarad Kashaqeeyaan.

Laakiin Waa Inaanay Dadka Ay Xilka Uhayaan Kala Fogaysan Badhna Soo Dhowaysan Badhna Aanay Cadaadin

Laakiin Haday Taasi Dhacdo Waa Arin Laga Xumaado Waana Arinka Wasaarada Waxbarashada Gobolka Saaxil Ladaalaa Dhacayso.

Hadaba Gudoomiye Ibraahin Digaale Waxan Usheegayaa Wasaarada Waxbarashu Waxay Noqonaysaa Mid Cidgaara Loogu Adeego Ama Waxay Noqon doontaa Mid Loosiman Yahay,Dadkan Udhexaysa.

 

Xigasho Siciid Adan .

COMMENTS
Latest News