Saxilnews.com
DHACDOOYINKA LAYAAB KA LEH EE XUKUUMADA KULMIYE
September 26, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

DHACDOOYINKA LAYAAB KA LEH EE XUKUUMADA KULMIYE

waxaa aan la yaaban nahay waxyaabaha inagu soo kordhaya beryahan danbe ee fool xumada ah ee aanu maankaagu ku siinayn ee ay ku dhaqmayaan madax isku sheega dawlada Somaliland ee uu hormuudka ka yahay madaxwayne siilaanyo iyo inta u guul wadaha ah ee ah isma dhaanto iyo dhasheed.

waxaa maanta dhacay wax loogu yeedhay mudaharaad laakiin aan ahayn mudahaaraad ee waxa uu ahaa mudaharaad cilmiyaysan oo loo soo galiyay magac mudaharaadka oo la ceebaynayo, waayo mudaharaadka waxa la arki jiray dadka oo mudaharaadaya oo ay dawladuna kala joojinayso oo ay u adeegsanayso cudud ciidan oo adag oo dadka ay askartu laynayaan oo uu dad ku dhinto oo taayiro la gubbo oo ay dadkuna shucuurtooda muujiyaan, iyagoo waliba garanaya waxa ay ka mudaharaadayaan, ee lama arag mudaharaad loo sii diyaariyay meeshii uu ka dhici lahaa iyo amnigooda in ilaaliyo, iyo waliba kala maanka dadwaynaha meesha alyskugu keenay ee aan waxba ka ogayn mudaharaadku wuxuu yahay iyo waxa laga mudaharaadayo toona ee la soo waalay ee sida khaldana wax loo fahansiiyay .

waayo waxa halkaa inooga cad inaanay daku mudaharaadayn ee ay xukuumada talada haysaa ay mudaharaadaysay iyadoo aan garanayn waxa ay ka mudaharaadaysay waliba, waxaana ayaan daro ah in si fool xun loo adeegsaday shacabka wax ma garatada ah iyo waliba carruurta yaryar ee schoolada ku jirta ee (under age ka ah). iyadoo u adeegsatay inay lacag ku asqaysiiso maamulayasha dugsiyada maamula oo ay iyana markii ay lacagtii qaateen ay ardaydii yaryarayd ee meesha waxbarashada u soo doonatay u soo dareeriyeen dhinaca la laaha waxa loo xidhay inuu mudaharaadku ka dhaco ama loo diyaariyay. markaas mudaharaadkan waxa loogu yeedhayaa maanta laga bilaabo mudaharaadkii dawlada siilaanyo kaasi oo ah mudaharaadkii abid dhaca ee ugu foosha xumaa, kaasi oo noqday ceebtii ugu waynayd ee madaxwayne siilaanyo iyo madaxda la shaqaysa kuwaas oo ah kuwa ku wada ceebaysan ceebtaasi oo ah ceeb ay qortay taariikhdu maanta oo ay bishuna tahay 20/09/2016. taasina waa ayaan daro la soo gudboonaatay xukuumada talada haysa ee caqliga xun ee cadaalada ka fog. ee waliba taagta daran ee siyaasadeeda arimaha gudaha iyo ta arimaha debadu hooseeyaan.

COMMENTS
Latest News