Saxilnews.com
Dhacdo La Yaab Leh:-Askar Iyo Dad Shacab Ah Oo Lagu Qabtay Iyagoo Qodanaya Xabaal Sheekh Caan Ahi Ku Aasan Yahay
July 10, 2017 - Written by admin

Arabsiyo (Saxilnews.com)-Ciidanka Booliska Degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley ayaa gacanta ku dhigay laba nin oo la sheegay inay qodanayeen xabaal sheekh caan ahi ku aasan yahay oo kamid ah xabaalaha guunka ah ee degmada Arabsiyo.

Labadan nin oo watay gaadhi cusub oo nooca raaxada ah ee loo yaqaan V8-ka isla markaana uu ku xidhan yahay GPRS ayaa saaka loo soo dhaadhiciyey xarunta dambi baadhista ee magaalada Hargeysa.

Waxa sidoo kale ciidanka ka baxsaday laba askari oo ilaalo u ahaa raggaasi kuwaas oo sida la sheeegay si khidadaysan uga degay gaadhigii labada nin ay saarnaayeen oo lagu qabtay Kaantaroolka Caabudla’ ee bariga magaalada Arabsiyo,waxaana raggaasi fashiliyey oo arkay iyagoo xabaasha qodanaya dad shacab ah oo maamulka Arabsiyo ugu soo qaylo dhaan tagay.

Gudoomiyaha degmada Arabsiyo ee gobolka Gabiley Cabdilaahi Cabdi Faarax ayaa wargeyska Foore uga waramay dhacdadan,waxaana kamid ahaa hadaladiisii sida tan

“Arrintaasi way jirtaa nin Sheekh oo caan ah oo culimadii waa waynayd ee Arabsiyo kamid ahaa ayaa xabaashiisii niman qodanaya lagu qabtay,nimankaasi way yaaceen,Kaantaroolka ayaa laga soo qabtay,markaas laba nin ayaa arrintaasi u xidhan ,Saaka ayaa loo soo dhaadhiciyey xarunta dambi baadhista Hargeysa (CID-da),halkaas ayay ku xidhan yihiin waana qiraal inay xabaashaasi qodonayeen.Xabaashii waan soo eegnay wax Mitir gaadhsiisan may qodin markii lagu qabtay way ka carareen,Sheekha Suufi Nuuriye ayaa la yidhaahdaa oo waa culumadii hore ee reer Arabsiyo”.

Gudoomiyaha ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa raaciyey “Dhacdo hore ayaa jirtay,xabaal hore oo isna xabaall sheekh uun ahayd ayaa jrtay oo aanu ku qabanay qaar kale oo qodanayay oo iminka dhawr sanno ayaa kasoo wareegay,waxaana sheekhaasi la odhan jirey Awgaab Dagaal,waa raggii magaalada Arabsiyo aas-aasay,markaas arrimahaasi waa kuwo aan fahmi la’nahay.Nimankaasi waxay iskugu jiraan Qurbo-joog iyo ganacsato reer Hargeysa ah,arrintaasi baadhis ayaa socota oo ka hordhici mayno,markaa way jirtaa in xabaashaasi dadkaasi lagu qabtay iyagoo qodanaya.Nimankaasi gaadhi ay wataan waa gaadhi cusub oo noocii u danbeeyey ah ee V8-ka,GPRS ayaa ku xidhan,laba askari ayaa ilaalinayay balse lama qaban,waxaana gaadhiga lagu qabtay Kaantaroolka Caabudla,waxa saarnaa labadaasi askari iyo labadan nin ee la hayo,labada askarina way hubaysnaayeen oo way yaaceen,labadan nin way kaarteeyeen ciidanka Kaantaroolka Caabudla’oo waxay u sheegeen inay dhexda kasoo raaceen ee aanay la socon,waana baxsadeen intii aan la fahmin,laakiin ugu danbayn waxa gacanta lagu hayaa labadii nine e kale waxaana ay ku xidhan yihiin CID-da”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiyaha degmada Arabsiyo.

Dhacdan Ayaan ilaa hadda la garanayn sababta kaliftay in raggani ay qotaan xabaasha,waxaana wali socda baadhis lagu hayo raggaasi iyo waxa ku kalifay.

 

Xigasho Ramaanews.com

Saxilnews.com/Hargaysa

COMMENTS
Latest News