Saxilnews.com
Dhacdo Dhagahayga Iyo Indhohaygaba Ku Ugub Ah Oo Ka Dhacday Berbera Pro: Cabdiqaadir Jamac Fartaag
March 21, 2015 - Written by admin

Waa wiil 13 jir ah muujiyeyna wax inagu cusub iyo saarkaal gartay qiimaha wiilkan yar , Bare Mohamed ciise waa wiil yar oo ku nool magalada Berbera dhigtana dugsiga sare ee bursade.fasalka kowaad ee form 1B, Hadaba wiilkan yar ee maxamed ciise wuxuu sameeyey wax laga laayayahay dadka waawayn ee u dhashay Somaliland oo ah ; wadaniyad iyo lahaanshiyo dal Waxa jira laamiyo cusub oo laga hirgaliyey magalada berbera oo ah laamiyada casriga ah sidaas darteed waxa dhacday in goor habeenimo ah ay dhalinyaro tiradoodu ilaa shan tahay ay doonaan in ay fujiyaan qaybo ka mid ah laamigaas, Bare Mohamed ciise oo goobtaas joogay wuxuu doonay inuu inamadii yara ka celiyo falkaas foosha xun ee ah burburinta laamigii cusbaa isagoo xataa qaar ka mid ah la dagaalamay. Sarkaal ibraahin dhago sayn oo ah madaxa baadhista danbiyada saldhiga dhexe ee poliska degmada berbera ayaa kiiskaas baadhay ogaadayna ficilkaas wanaagsan ee uu ku kacay Bere mohmed ciise Sidaas darteed wuxuu xidhiidh la sameeyey duqa degmada berbera oo uu uga waramay ficilkaas geesinimada leh ee uu ku kacay bare yare. Maayorkuna wuxuu qaaday talabadii ku haboonayd oo ah in goob fagaare ah lagu maamuuso laguna gudoonsiiyo abuulgudyo kala duwan Halkan waxa ka muuqda koox dad ah oo mid waliba gartay waajibaadkiisa ka soo bilow bare yare. Ibarahin dhagosyan; mayor cidin Halkan waxaan amaan badan uga jeedinayaa bare yare iyo ibraahin dhagosayn Halagu daydo bare yare Bal ilaahay amarkiisa

 

Qoraa: C/Qaadir Jamac Maxamuud Fartaag

Maamule Xigeenka Bursade Secondary School

COMMENTS
Latest News