Saxilnews.com
Degmadda LAASO-DACAWO Iyo Sida Ay Diiwaangelintu Madaniga ah Uga socoto Qaybta 7aad
April 7, 2015 - Written by admin

Degmadda LAASO-DACAWO iyo Sida Ay Diiwaangelintu Madaniga ah Uga socoto Qaybta 7aad

“Degmadda Laaso-dacawo waa degmo aad u balaadhan oo xukunta   dhawr iyo labaatan tuullo gaadhaya ayay xukuntaa Goobaha la siiyeyna way nagu yaryihiin”

Kaadhakan Jinsiyadda ama aqoonsigan la la siinayo dadka muwaadiniinta ah ee u dhashay Somaliland waxaa fulinaysa xukuumadda gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha, iyadoo samaynta kaadhadhka Jinsiyadda qandaraas lagu siiyay shirkad la yidhaahdo SAHAl.NET, taasi oo ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland.

Goboladda iyo Degmooyinka aanu kormeerkani qiimaynta ah ee la xidhiidha sid aay diiwaangelinta madaniga ahi uga socota dalka  ku soo marnay waxaa ka mid ah Degmadda Laaso-dacawo  iyo tuulooyinka hoos yimaadda.

 

Goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta ee magaaladda Laaso-dacawo ee gobolka Saaxil

 

Waxaanu wax ka waydiinay sida ay u soco diiwaangelinta madaniga ah iyo sida ay bulshaddu u arkaanba qaar ka mid ah madax-dhaqameedka  deegaamadaasi iyo sidoo kale shaqaalaha iyo hawl-wadeenadda  ka shaqaynaya goobahaasi.

Waxaana ka mid ahayd meelihii aanu soo marnay degmadda Laaso-dacawo oo ka tirsan gobolka, waxaananu arrintaasi wax ka waydiinay  caaqil Cismaan Cumar Cilaan, oo ka mid ah cuqaasha deegaankaasi oo aanu ugu horayn  waydiinay sida ay diiwaangelinta madaniga ahi uga socoto degmadda Laaso-dacawo, waxaanu yidhi “Diiwaangelintii madaniga ahayd si wanaagsan ayay uga  socotaa degmadan Laaso-dacawo,  aniguna waxaan ka mid ahay  caaqil degan degmadani Laaso-dacawo madax-dhaqameedkeeda, xog-ogaalna waan u ahay, qoladii maalintii dhawayd alaabta diiwaangelinta lagu dar-dar gelinayo qaaday ayaan   ka mid ahaa,  Mishiinkii  anaa sii qaaday oo halkan lagaga tegay,  imika waxay ka soconaysay muddo dhawr iyo toban cisho ah, ilaa laba todobaad, si fiican ayay uga socotaa, dadkuna   si wanaagsan ayuu isku diiwaangelinayaa, hawshaasina si fiican ayay noogu socotaa,  wax alaale iyo wax naga qabyo ah iyo wax  shaqo xumo ah oo ka taagan degmo ahaan  iyo deegaan ahaan midnaba ma jirto”.

Caaqilka oo aanu waydiinay intii ay ku guddo jireen qaadista qalabka iyo  sidii loogu diyaar garoobayay in ay jireen wax caqabado ah oo ay la kulmeen, waxa uu ku jawaabay. “Wax alaale iyo wax caqabad ah oo aanu la kulanay ma jirto,  wax dhibaato ahna lama aanaan kulmi. Balse waxaa nagu maqaallo ah maalin dhawayd in badhasaabka gobolka  Saaxil  iyo agaasimaha waxaa ka soo yeedhay, weliba gaar ahaan badhasaabka  in uu yidhi Laaso-dacwo saddex cisho oo qudha ayay ka socotay diiwaangelintu,  aniga igumuu odhan, laakiin maayarka Laaso-dacawo ayaa sidaas soo sheegay. Kadib waxaanu u tagnay badhasaabka ku xigeenka aniga iyo maayarka Laaso-dacawo, badhasaabka waanu waynay oo ku xigeenkiisa  iyo xoghayaha gobolka, waxaanu uga waranay  sida ay xaaladu ahayd, inamadii  diiwangelinta meesha u tegay ee la geeyay  ee shaqaalaha ahaa,  markii caynkaa lagu yidhi  oo shaqadiinii may shaqayninba,  way xanaaqeen, waxaanay ku sigteen  in ay shaqadiiba  joojiyaan. Anagaa ku khasabnay markii danbe in ay shaqeeyaan, halkana warbixintoodii waanu keenay  badhasaabkiina waxaa la hadlay badhsaab ku xigeenka,  si fiican ayuu isna ugu jawaabay  oo wuxuu yidhi waar haysha inamadu si fiican ayay u wadaan,  laakiin markii inamadda  shaqaynayay meesha la geeyay  ayuu mushaharkoodii  iyo hawshoodiiba ay   bilaabmeen, wax dhibaato ah oo jiraana ma jiraan.

Halkaa intaas yar ayaa la soo sheegay  oo malaha ay dad ay  degmo ahaan badhasaabka  war qaldan uga geeyeen, laakiin  waanu ka saarnay  wax ka jiraana ma jirin warkaasi, diiwaangelintuna si fiican ayay noogu socotaa, si fiican ayaanay  wiilasha iyo gabdhaha hawshaasi ka shaqaynayaaba u shaqaynayaan,  anaguna si wanaagsan ayaanu ula shaqaynaa odayaal ahaan,  wax caqabad ah oo naga hor yimidna   ma jiraan”.

Dadka degan degmadda Laaso-dacawo,  waxay u badan yihiin reer Guuraa iyo dad reer miyi ah oo isugu jira xoolo-dhaqato ku nool meelo aad u kala fog-fog  iyo kuwo beeralay ah, hadaba muxuu yahay qorshaha  madax-dhaqameedka deegaankaasi ay ku doonayaan in  dhamaanba dadka deegaankaasi ay helaan diiwaangelinta  ama qaadashadda Kaadhka dhalashadda  Somaliland. Caaqil  Cismaan Cumar Cilaan, isagoo arrintaasi ka hadlayay  waxa uu yidhi “Waxa keliya oo aanu u baahanahay in dawladu ay naga caawiso  gaadiid aanu dadka ku soo qaadno,  tusaale ahaan meelaha baadiyaha ah oo la geeyo meelaha tuulooyinka ah ee ay diiwaangelintu ka socoto, shiidaalkii gaadiidkaasi in lanaga caawiyo ayaa loo baahan yahay.

Degmadda Laaso-dacawo waxaa hoos yimaada oo ay xukuntaa  dhul aad u balaadhan,  oo ilaa dhawr iyo labaatan tuullo gaadhaya ayay xukuntaa,  waana tan la yareeyay goobihii diiwaangelinta  ee  lagu koobay degmooyinka  iyo  meello aan badnayn, xataa …..

Kaadhaka Jinsiyadda ee la siinayo dadka muwaadiniinta ah ee u dhashay Somaliland waxaa fulinaysa xukuumadda gaar ahaana wasaaradda arrimaha gudaha, iyadoo samaynta kaadhadhka Jinsiyadda qandaraas lagu siiyay shirkad la yidhaahdo SAHAl.NET, taasi oo ay leeyihiin muwaadiniin u dhashay Somaliland.

 

 

Diyaariye:Axmed Maxamuud Cismaan(Mr:Duni Cusub)

Dhaymoole999@hotmail.com

COMMENTS
Latest News