Saxilnews.com
DEG DEG:MADAXWEYNE SILAANYO AYAA MAANTA ISKUSHAANDHAYN KU SAMEEYAY QAAR KAMID AH AGAASIMAYAASHA WASAARADAHA XUKUMADIISA
September 21, 2015 - Written by admin

WAR-SAXAAFADEED
Taariikhda: – 21/09/2015

 

 

Hargeisa (Saxilnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3606/092015 isku bedel iyo magacaabid uu ku sameeyey qaar ka mida Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Jamhuuriyada Somaliland.

 

 

madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo in isku beddel iyo magacaabid lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

 

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

 

In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Yuusuf Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Maxamed Xasan Ibraahin, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

In Mudane, Saleebaan Jaamac Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Magacaabida

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed (Abdeeq), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland

breaking_newsBreaking_News_graphic_20120827002741_320_240

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyada JSL

COMMENTS
Latest News