Saxilnews.com
Deg Deg :- Xoghayaha Dawlada Hoose Ee Hargeysa Oo Laga Hor Istaagay In Uu Ka Qeyb Galo Xaflad Lagu Qabtey Xarunta Ciidanka Dabdamiska + Sababta 
October 7, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Masuulyiinta Ciidanka dabdamiska Somaliland ayaa la sheegay in xoghayaha dawlada Hoose ee magaalada Hargeysa  Md Cali Xassan Cawaale ay ka hor istaageen xaflad maanta ka dhacey xarunta ciidankaasi oo uu madaxweyne Siilanyo ka qeyb galay

Sababta xoghayha looga hor istagay ayaa lagu sheegay ka dib markii xoghayuhu uu ciidamada dabdamiska ka hor istaagay dhaqaale kab oo dawlada Hoose siin jirtay Sida Direyska ciidanka , Dayactirka Baabuurta iyo waxyaalo la mid ah

Xoghayaha ayaa ka noqdey kadinka laga galo xarunta dabdamiska ka dib markii si cad ay ciidankaasi u hor istaageen isla markaana sabab u noqotey in aan xaflada ka qeyb galin .

COMMENTS
Latest News