Saxilnews.com
Deg Deg : Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo La Weeraray , Cida Weerarka Ku Soo Qaaday Iyo Goobta Uu Ka Dhacay Weerarku
January 1, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Hargeysa (Saxilnews):- Xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland isla markaana ku abtirsada

xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa la Weeraray

Image may contain: 1 person, suit

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Xildhibaan Weli Axmed Xaawa oo ayaa waxa weerar gacan ka hadal ah kusoo qaaday rag la sheegay inay qaraabo yihiin wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, iyadoo xildhibaanka lagu soo weeraray Hotel Dalxiis.

Ragga xildhibaanka soo weeraray ayaa waxa ay ku hubaysnaayeen Budad iyo Bakoorado, kuwaasi oo isku dayay inay waxyoollo gaadhsiiyaan xildhibaanka, balse Xildhibaan Weli ayaa iska difaacay, iyadoo markii dambe ay gacanta kusoo dhigeen boolisku mid kamid ah raggaasi oo ay walaalo ruma yihiin wasiir Cukuse.

Laamaha ammaanka dalka ayaa baadhitaanka kiiskan ku guda jira, balse ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka booliska iyo xildhibaankaba, lamana garanayo sababta keentay in xildhibaanka hadh cad weerar noocan ah lagu soo qaado.

COMMENTS
Latest News