Saxilnews.com
DEG DEG :- WASIIRKA MADAXTOOYADA SOMALILAND OO XABSIGA U TAXAABEY AFAR SAXAFI
September 23, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

 Berbera (Saxilnews):- Ciidamada amaanka Gobalka Saaxil ayaa waxaa ay goor dhaweyd xabsiga u taxaabeen afar  saxafi oo ka hawl gala caasimada gobalka Saaxil ee magaalada  Berbera .

Saxafiyiintan xabsiga loo taxaabey ayaa waxaa lagu soo eedeyey in ay baahiyeen dhul ay xukuumadu  dooneysay in ay siiso nin ganacsade ah waxaana ka mid ah saxafiyiintani weryihii telefishanka Universal Tv ee magaalada Berbera Yasiin Jamac Cali

Waxaa ay sheegeen wariyaashani in xadhigooda u ka danbeeyey wasiirka madaxtooyada Somaliland Muddane Maxamuud Xaashi Cabdi  isla markaana uu so bixiyey amarka xabsiga loogu taxaabey waxaana ay hada saafiyiintani ku dhex xidhan yahiin xabsiga  ku dhex yaala dekada magaalada Berbera .

Fiiro Gaar Ah :- Saddexda saxafi ee kale  goor dhow magacaantooda iyo haayadaha warbaahineed ee ay ka shaqeeyaan kala soco shabakada Saxilnews.com

 

 

COMMENTS
Latest News