Saxilnews.com
Deg Deg:- Wasiirka Duulista Somaliland Oo Heshiis Qarsoodi Ah Oo Lagu Wareejinaayo Madaaarka Hargeysa La Galay Dawlada Turkiga
October 2, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Warar xog ogaal ah oo goor dhaweyd soo gaadhay shabakada Ilaysnews.com waxaa aysheegayaan in wasiirka wasaarada Duulista iyo hawda Somaliland Md Farxaan Aadan Haybe maalintii shalay aheyd magaalada Hargeysa Heshiis qarsood ah kula saxeexday wafti ka socdey dalka Turkiga .

Xogahan ayaa sheegaya in heshiiskan Qarsoodiga ahi uu yahay mid dawlada Turkiga loogu wareejinaayo maamulka madaarka diyaaradaha ee Hargeysa .

In kasta oo aaney ilaa hada xogahani aheyn qaar si rasmi ah loo shaaciyey hadana waxaa ay tibaxayaan in waftigani isla saaka-ba ay ka dhoofeen madaarka Hargeysa .

Wasaarada Duulista Ayaan ilaa hada aan iyadu ka hadal wararkan .

COMMENTS
Latest News