Saxilnews.com
DEG DEG :- WASIIR WARAN CADE OO LA SHEEGAY IN HUB IYO RASAAS UU KALA BAXAY XARUNTA TALISKA CIIDAMADA BADDA IYO WASIIRKA OO KA HADLEY
July 30, 2016 - Written by suxufi

Hargeysa (SaxilNews):- warar hoose  isla markaana looga qaateen ah oo ay helayso shabakada wararka ee Saxilnews.com  ayaa waxaa ay sheegayan in maanta uu wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade uu hub iyo rasaas kala baxay xarunta ciidanka Badda Somalilad .

 

Wasiirka ayaa waxaa  la sheegay in ay wehelinayeen Ciidanka iyo gadiidka ilaalada u ah waxaaana ay xogahani sheegen in uu wasiirku halkaasi kala baxay 5 qori oo ah nooca loo yaqaano AK47 , laba qori oo nooca loo yaqaano (Badh-Dalool) iyo rasas lagu qiyaasay ilaa 2000 oo xabo

Markii ay xogahani soo gaadheen shabakada Ilaysnews.com inta aanay  baahin kor waxaa ay xidhiidh la sameysay xafiiska saxaaafada ee wasiirka arimaha gudaha waxaana aanu ku war galinay in uu wasiirku arintani ka hadlo in ay wax ka jiraan

Wasiirka ayaa shabakada Saxilnews.com waxa uu u sheegay in uu jiro hub iyo rasaas maanta loo keenay ciidamada Badda Somaliland balse aanay jirin wax hub ah iyo rasaas ah oo uu kala baxay xaruntaasi .

Dhinca kale wasiir Waran cade ayaa waxaa aanu maanta ka qeyb galin xaflad loogu wan qalaayey degmada Bali-Mataan oo ah mid ka mid ah degmooyinkii uu dhawaan magacaabey madaxweyne Siilanyo taas oo ay wada degaan beesha uu isagu ka soo jeeda iyo beesha konfurta Hargeysa iyo magaalada Salaxley degta waxaana  xogo hoose oo aanu helayna ay sheegayan in uu wasiirku halkaasi uga baaqdey cadho iyo guux hoose oo ay beesha uu ka soo jeedo kaga biyo diidan tahay degmadaasi Cusub

COMMENTS
Latest News