Saxilnews.com
Deg Deg :- Tirinta Codadka Doorashada Gudoomiye Ku Xigeenka 2-aad Ee Baarlamaanka Somaliya Oo Dhamaatay Iyo Sida Loo Kala Horeeyo
January 12, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Magaalada Moqdisho e xarunta dalka Somaliya waxaa maantaka bilaabmatey doorashada gudoomiyeka 2- aad ee baarlamaanka dalkaasi

Waxaana hada soo dhamaatay tirinta codadka Doorashada Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay ku tartamayaan 10-musharax oo katirsan Xildhibaanada Baarlamaanka.

 

Natiijada hordhaca ah ayaa sheegaysa iyana tilmaameysa in tartankan uu yahay mid aad u adag ayna Xildhibaanada qaar aad isugu dhaw yihiin codadka Xildhibaanada dhiibteen.

 Doorashadan ayaa iyana loo gudbi doonaa wareeg kale maadaama uusan jirin Musharax helay codadkii loo baahnaa, waxaana suurto gal ah in wareeg sedexaad loo gudbo hadii aysan Musharxiinta qaar aysan tanaasulin.

Musharaxinta ayaana Codadka u kala helay sidan

1-Mahad Cabdalla Cawad, 69-Cod

2-Cabdulkadir Sh. Cali Baqdaadi 50- Cod

3-Cabdiraxmaan Aden Ibarhim Ibbi 36-Cod

4-Burhaan Aden Cumar, 25-Cod

5-Cabdulahi Godax Barre 18-Cod

6-Cilmi Maxamed Nuur13-cod

7-Xuseen Cabdi Cilmi, 13-Cod

8-Cabdiweli Maxamed Qanyare 12- Cod

9-Maryan Axmed Harun. 10-Cod

10- Cabdulahi Xusen Cali8-Cod

COMMENTS
Latest News