Saxilnews.com
DEG DEG TALIYAHA CIIDANKA MILLATARIGA SOMALILAND OO DADAAL XOOGAN UGU JIRA SIDII LOO JOOJIN-LAHAA COLAADA KA OOGAN DEEGAANKA CEEL-AFWAYN
September 1, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews) Taliyaha Guud Ee Ciidanka Milatariga Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani Oo Kaashanaaya Ciidanka Milatariga Somaliland Ayaa Dadaal Dheer U Galay Sidii Loo Joojin Lahaa Colaada Ka Oogan  (Dogoble) Oo Ka Tirsan Degmada Ceel- Y Afwayn Ee Gobolka Sanaag. Colaadan Ayaa Waxay Ay Ka Bilaabmatay (Aano) Dad Hore Oo Layska Laayay, Waxaana Ka Dhashay Dhimasho Iyo Dhaawac.

Ka Dib Markii Ay Nabadii Faraha Ka Baxday Ayaa

Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani Ayaa Arinka Si Adag Ugu Howl Galay, Waxaan Xooga Saaray Sidii Beelahaasi Walaalada Ah Nabad Looga Dhex-Abuuri Lahaa.

Xaalada Deegaankaasi Ayaa Ahayd Mid Markii Hore Ay Dhimasho Iyo  Dhaawac Badani Ka Dhacay Ka Dib Markii Dagaalku Ka Bilaabmay (Aano) Dad Hore Oo Layska Laayay.

Ciidanka  Ayaa Dhex-Galay Waxaana Labada Dhinac-Ba Lagu Qancinayaa In Ay Joojiyaa Xabada.

Taliyaha Ciidanka Milatariga Ayaa Ciidankiisa Ku Amray In La Sugo Nabad-Galyada.

COMMENTS
Latest News