Saxilnews.com
DEG DEG:- SHIR AY ISUGU YIMAADEEN BEESHA AXMED CABDALE EE BEEL-WAYNT SACAD MUUSE AYAA LUGU GO,AAMIYAY IN AANU CIDNA MATALIN SULDAAN SIYAASADEED LAGU WAXYEELEENAYAY SANDALADA SUBEER AWAL EE QADIIMIGA AH
September 7, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Hargeysa (Saxilnews)“Haddii La Yidhaado Madaxtooyadii Waa La In-Qilaabay Madaxwaynuhu Miyuu Iska Fadhiyayaa”. Mid Ka Mida Odoyaasha Axmed Cabdale

Shir Ay Isugu Yimaadeen Beesha Axmed Cabdale Ee Beel-Waynta Sacad Muuse Ayaa Lagaga Hadlay Sii Loo Barbar Istaagi-Lahaa Sadalada Guunka Ah Ee Subeer Awal Meesha Looga Saari-Lahaa Suldaan Siyaasadeed Dhawaan La Macmalay.

20160907_130520

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Odayaasha, Waxgaradka , Siyaasiyiinta,Aqoon-Yahanka, Culimadda  Iyo Cuqaasha Beeshaasi Axmed Cabdale Ee Beesha Sacad Muuse Ayaa Dhamaantoodba Ka Hadlay Sida Ay Ugu Xun Yihiin Wiilka Maskaxdiisa Ay Adeegsadeen Dadka Damaca Siyaasadeed Lihi Kuna  Shaqaysanayaan.

Odayaashan Ayaa Aad Ugu Dheeraaday Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Arinkani, Loogan Hortigi Lahaa Cidkasta Oo Dano Gaara Ka Leh

Geesta Kale Shirkan Ayaa Si Toosa Iyo Si Dadbanba La-Isugla Qaatay In Dagdag Arinkani Lagu Waxyeeleenayo Sandallada Faca Wayn Sidii Wax Looga Qaban Lahaa Waxaana Laysla Qaatay In Marka Hore Xukumada Somaliland Loo Bandhigo Ka Dibna Reer Ahaa Wax Looga Qabo .

20160907_130439

Cuqaasha, Siyaasiyiint Iyo Hormoodka Reer Axmed Cabdale Ayaa Si Adag U Naqdiyay Si Qaawan Ee Loo Soo Hajuumay Sandalada,

Waxaanay Baaq Dheer U Direen Dhamaanba Beesha Axmed Cabdale Iyo Guud Ahaan Beelwaynta Subeer Awal Waxaanay Ugu Bushaareeyeen In Sida Ugu Dhaqsaha Badan Arinka Ugubka Ah Ee Lagu Karaamo Dilayo Magaca Sandalada Wax Looga Qaban Doono.

“Waxaan Dalka Joogay Saddex Bilood Waxaan U Nimid Sidii Laysugu Keeni Lahaa Cuqaasha,Waxgaradka Reerka Waxaanan Doonaynaa In Reerku Meel Uga Soo Waddo Jeedo Arinkan Iyo Arimo Kale Oo Badan” Sidaasi Waxaa Yidhi” Axmed Muxumed Dalas

“Haddii Maanta In Axmed Dalab La Dilo Sow Magtiisa Maynaan Doonaneen Waar-Dee Waa Inankeeniiye Aynu Qabano, Awoow Baan U Ahay Anaana ugu Horaynaya” Oday Cabdi Gahayr.

“Waxaanu Ka Nimid Itoobiya Waxaanan Diyaar U Nahay In Talaabo Kasta Oo Lagaga Hortagayo Suldaanka Macmalka Ah In Aanu Idinla Qaadano.

Odayaashan Ayaa Qaar Ka Midi Waxay Si Toosa Furta Ugu Fiiqeen In Talaabooyinka Lagu Waxqeeleeneyo Sandalada Uu Kow Ka Yahay Gudoomiyaha Kulmiye Waxaanu Yidhi:- “Ninka Damaca Siyaasadeed Leh Ee Madaxwayaha Doonaya Waa Muuse Biixiye Hadda Reerkiina Sidan U Baabiinaya,Codkana Ka Raba Muxuu Noqonayaa Xaalkiisu” Sidaasi Waxaa Yidhi:- Ibraahim Jaamac Fayaan Oo Ka Tirsan Odoyaasha Beesha Axmed Cabdale.

Gababadii Waxaa Laysla Qaatay In Aanay Dibna Arinka Loo Sii Eegan Haddana Sida Ugu Dhaqsaha Badan Wax Looga Qabto.

Waxaana Loo Balamay Sii Beesha Looga Saari-Lahaa Suldaanka Maqaar-Saarka Ah Ee  Sandaladda Subeer-Awal Xajiimaynayo.

20160907_123922

 

COMMENTS
Latest News