Saxilnews.com
Deg Deg :- Sarkaal Sare Oo Iminka Ku Dhawaaqey In Uu Iska Casilay Xisbiga Kulmiye Iyo Xilka Uu Hayey
May 13, 2017 - Written by suxufi

 

Berbera (Saxilnews):- Waxaa goor dhaweyd ku dhawaaqey in uu iska casilay xilkii uu kahayey xisbiga Kulmiye iyo xubin nimadiisiiba sarkaal sare oo ka tirsan xisbigaasi .

 

Masuulkan ayaa waxaa uu yahay xoghayihii gobalka Saaxil ee xisbiga Kulmiye Muddane Cali Maxamed Muuse (Cali halakaco) waxaana uu sabab uga dhigay is casiladiisa maamul xumo uu sheegay in ay ka dhex jirto xisbiga Kulmiye iyo xukuumadiisa .

Sidoo kale masuulkan ayaa waxaa uu xisbiga Kulmiye iyo xukumadiisa ku eedeyey in ay dalka ka bilaabeen boob qaawan kaas oo uu xusay in aan loo adkeysan kareen isla markaana damirkiisu siiyey in aanu waxaas eegan Karin oo uu dibada uga baxo

Fiiro Gaar Ah:- Dhawaan Filo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News