Saxilnews.com
DEG DEG RA’IISUL WASAARAHA SOMALIYA OO MAGACAABIS SAMEEYEY
July 27, 2016 - Written by Abdisalaan Harir
Moqdisho (Saxilnews):-  Ra’iisul Wasaaraha  dalka Somaliya Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu maanta taliyaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha u macaabey in uu noqdo Taliyihii hore ee Nabadsugida Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Koofi

 

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa G/sare Maxamed Aadan Koofir loogu magacaabay xilka Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan waxaa uu si rasmi ah xilka Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Jen. C/llaahi Gaafow oo bishii la soo dhaafay xilkan si KMG ahaan loogu magacaabay, markii xilka laga qaaday Jen. C/raxmaan Tuur Yare.

G/sare Koofi oo ah nin amusnaan badan, waxna ku soo bartay dalalka Sudan iyo Uganda, ayaa bedelaya Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud oo ahaa waayo arag muddo 10-sano xilkaas soo hayay.

Maxamed Aadan Koofi oo ah nin dhalinyaro ah ayaa horay u ahaa Madaxii Ilaalada Madaxtooyada, sidoo kale sanadkii 2014 ayaa loo magacaabay xilka Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir, waxaana lagu xusuusta in waxyaabihii uu qabtay tan iyo markii uu xilkaas hayay.

Taliye

 

COMMENTS
Latest News