Saxilnews.com
DEG DEG :- QARAX KHASAARE GEYSTAY OO KA DHACEY MAGAALADA MOQDISHO
September 21, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho(Saxilnews):- Waxaa goordhaw qarax gaadhi lagu soo xidhay uu ka dhacay agagaarka Isgooska Jubba ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxan lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxa gaadhiga uu dhacay xili uu taagnaa goob uu shidaal k qaadanayay, waxaana gaadhiga qaraxa uu haleelay la sheegay in uu ahaa nuuca raaxada ayna la soceen sadex qof.

Warar horu dhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in hal qof oo kamid ahaa dadkii gaadhigasi saarnaa uu dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawamay qaraxasai labo qof oo kale kamid ahaa dadkii saarnaa.

Wali lama oga cida ay yihiin dadka qaraxa loogu soo xidhay gaadhigii ay la socdeen, mana jiro ilaa hada wax war ah oo ku aadan qaraxan oo kasoo baxay laamaha amaanka Dowlada Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News