Saxilnews.com
Deg Deg :- Prof Ismaciil Buubaa Oo Maanta Ka Dhex Hilaacay Madaxtooyada Somaliland , Ujeedka Uu U Tagey Iyo Arin Ugub Ah Oo Uu Kala Kulmay
June 8, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews):- Prof Ismaciil Hurre Buubaa ayaa waxaa uu maanta safar kadis ah oo aan lagafilaneen uu ku tagtay xarunta madaxtooyada Somaliland .

Siyaasi Buubaa oo uu la socdey xildhibaanka uu adeerka u yahay ee Ibraahim Mahdi Buubaa iyo xildhibaano kale ayaa ujeedka uu madaxtooyada u tagey ay aheyd sidii uu dacwad ka dhan ah masuulyiinta madaarka iyo Taliyaha Laanta socdaalka ugu gudbin lahaa madaxtooyada ka dib markii xogtii ku qorneed Passport-kiisa shaqsiga ah oo ay gacanta ku hayeen masuulyiinta madaarku lagu faafiyey baraha ay bulshadu ku kulanto taas oo ah arin danbi ah .

 

Hadaba Prof Buubaa intii aanu galin madaxtooyada waxaa ay ciidanka madaxtooyadu ka hor istageen in uu gudaha u galo xarunta madaxtooyada iyaga oo ku war galiyey in amar xaga sare ka soo baxay lagu war galiyey in aaney sii deynin .

Markii Prof Buubaa iyo xildhibaanadii la socdey in muddo ah sii tagnayeen afaafka hore ee madaxtooyada waxaa markii danbe amar ku sii daayey Askari ka tirsan ciidanka Madaxtooyada isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda magaalada Baligubadle .

Buubaa ayaa gudaha u galay madaxtooyada isaga oo aan goobta laga filaneen madaama oo ciidanka lagu amray in aaney sii deynin , waxaana ay arintaasi laf dhuun gashay ku noqotey madaxtooyada iyada oo la sheegay in markii danbe la qabsadey isla markaana loogu hanjabey in a talaabo laga qaadi doono  askarigii sii daayey Prof Buubaa oo danbi looga dhigay amarkii uu ku sii daayey

Ugu Danbeyn Prof Buubaa xogaha soo gaadhaya shabakada Saxilnews.com umey cadeyn in cabashadiisii u gudbiyey masuulyiinta madaxtooyada , iyada oo ay xusid mudneed in wasiirkii madaxtooyada iyo madaxweynuhuba ay ku jireen shirkii golaha wasiirada oo dhaca khamiis walba

COMMENTS
Latest News