Saxilnews.com
Deg Deg:- Musharax Muuse Biixi Oo Kulan Qarsoodi Ah Saaka Magaalada Hargeysa Kula Yeeshay Saxafiyiinta Ka Soo Jeeda Beeshiisa Iyo Arimaha Laga Wada Hadley
May 16, 2017 - Written by suxufi

 

Hargeysa (Saxilnews):- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye isla markaana ah musharaxa madaxweyne eexisbigaasi Muj Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu saaka kulan qarsoodi ah isla markaana khaas ah uu la yeeshay qaar ka mid ah saxafiyiinta ka soo jeeda beeshiisa .

 

Kulankan qarsoodiga ah ayaa waxaa uu ka dhacay Hotel Lake Asal ee Magaalada Hargeysa waxaana ka soo qeyb gala marka saxafiyiintaas iyo Muuse Biixi laga reebo masuulyiin kale oo ka tirsan xisbiga Kulmiye taas oo ay ka mid yahiin Marwo Caasha Qaalib iyo Aqoon yahan Maxamed Cali Bile .

 Kulankan oo xogtiisa la ilaaliyey ayaa waxaa uu musharax Muuse Biixi u soo bandhigay saxafiyiintan beeshiisa isla markaana uu ka dalbadey in ay dhisaan isla markaana ay garab istagaaan

Sidoo kale Saxafiyiintan ayaa la sheegay in ay iyaguna dhankooda balan qadeen in ay si dhaw ula shaqeyn doonan isla markaana Muuse Biixi ay dhisi doonan intii awoodooda Ah

Dhinaca kale waxaa saxafiyiintan loo soo bandhigay in ay si xoogan uga shaqeyaan in deeganada uu Muuse Biixi ka soo jeedo oo diwangalintu dhawaan ka bilaabmi doonto ay xooga saran sidii ay bulshada ugu dhiirin lahayeen in ay kaadhadhka cod bixinta qaataan iyaga oo isticmaalaya warbaahinta ay ka shaqeyaan

Xisbiga Kulmiye iyo Musharax Muuse Biixi ayaa waxa iyaguna ay balan qadeen in ay bixin doonan waxii kharash ah ee arintaasi ku bixi doonta isla markaana waxaa la filayaa in saxafiyiintani dhawaan ku bixi doonan safar ku jiheysan deeganada Muuse Biixi ka soo jeedo oo ay diwaanaglintu dhawaan ka bilaabami doonto iyaga oo ay weheliyaan Musuulyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye oo iyagu deegaanadaasi ka soo jeeda

Taariikhda Somaliland waa markii ugu horeysay ee mid ka mid ah saddex musharax ay fal noocan oo kale ah ku kacaan isla markaana ay saxafiyiinta kala socaan

COMMENTS
Latest News