Saxilnews.com
Deg Deg :- Musharax Cabdiraxman Ciro Oo Saaka Hargeysa Dib Ugu Soo Laabtey Iyo Arimaha Uu Ka Hadley +  Sawiro / Muuqaal 
June 29, 2017 - Written by suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxaa uu saaka ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa .

Image may contain: 3 people

Image may contain: 3 people

Musharaxa ayaa waxaa uu ka soo laabtey magaalada Barakeysan ee Makka oo uu ku soo cumreystay , isga iyo masulimiin kale oo ka kala yimid dunida inteeda kale

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo soo dhaweyn loo sameeyey ka dib warbaahinta kula Hadley afaafka hore ee Madaarka Hargeysa waxaa uu ugu horeyn ka Hadley xuska maalinta 26 June oo uu sheegay in maalintaasi ay qaranka Somaliland ku tahay isla markaana la wada leeyahay bari ilaa Gableed dadka wada dega Somaliland , waxaana uu alleh uga baryey in  sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash bash barwaaqo iyo nabad , sidoo kale Ciro ayaan hanbalyo u diray dalka Jabuuti  dabaal dega maalintii ay guumeystaha xoriyada ka qaateen awgeed

Dhinaca Kale Muddane Ciro waxaa uu shacbiga ku nool gobalada Togdheer iyo Maroodi-Jeex ugu baaqay in ay si fiican u qaatan kaadhadhka cod bixiyayaasha oo dhawaan qeybintoodu ka bilaabmi doonto labadaas gobol

Ugu danbeyn Musharax Ciro ayaa xukuumada iyo kominshanka doorashooyinka ugu baaqay in ay sii dhiiri  galiyaan dadaalka ay ugu jiraan sidii doorasho dalka uga dhici laheyd wakhtigii loo qoondeeyey

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 2 people, people standing, wedding, suit and outdoor

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

COMMENTS
Latest News