Saxilnews.com
Deg Deg Mid Ka Mid Ah Wasiirada Xukumada Madaxwayne Siilaanyo Oo Koox Dablay Ahi Weerar Ku Qaadey Gurigiisa Iyo Khasaaraha Ka Dhashey
March 23, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa(Saxilnews)-Mid ka mid ah golaha wasiirada Xukumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa Gurigiisa ku qaaday Dab kuwaasi oo u adeegsadey Rasaas xoogan.

Wasiirkan oo ah Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamuud Sheekh Cabdillaahi Cige ayaa Guriga uu ka degan yahay Hargeysa weerarkaasi ka dhacay iyada oo sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadkii Guriga joogey ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay marka laga tago xabadaha ku dhacay ama waxyeeleeyey dhismaha Guriga.

Dhanka kale Wasiiru dawlaha amniga ee Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo wax laga waydiiyey arintani ayaa sheegay in cid lo ohayo balse aanu ka hor dhacayn baadhista iyo xog urursiga ciidanka dambi baadhista.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

COMMENTS
Latest News