Saxilnews.com
Deg Deg :- Maxkamada Gobalka Hargeysa Oo Iminka Xukun Ku Riday Masuulyiin Ka Tirsan Xisbiga Waddani
May 21, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Hargeysa (ws):- Maxkamada gobalka Hargeysa ayaa waxaa ay iminka ku dhawaaqdey xukunkamasuulyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo mudooyinkii ugu danbeeyey xidhnaa isla makaana xeer ilaalinta Somaliland danbi ku soo oogtey

Masuulyiintan oo kala ah gudoomiyihii garabka dhalinyarada xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme iyo xoghayihii ciyaaraha ee Xisbigaas Muddane Yoonis ayaa waxaa ay maxkamadu Amartey

 

1. In Maxamed Sadiiq Dhamme Xoriyadiisa dib loogu soo celiyo ka dib markii ay maxkamadu wax danbi ah ku weyday

2. In Muddane Yoonis Axmed Yoonis ay maxkamadu ku xukuntey hal Sanno oo xadhig ah isla markaana ka bilaabma maalintii la xidhay .

Xukunkaas ka dib waxaa racfaan ka qaatadey xeer ilaalinta Somaliland isla markaana dib ayaa loogu celiyey masulyiintan xabsiga

COMMENTS
Latest News