Saxilnews.com
DEG DEG MADAXWEYNE SIILANYO OO KA HADLEY HESHIISKA AY XUKUUMADIISU LA SAXIIXATEY SHIRKADA DP WORLD.
September 6, 2016 - Written by Abdisalaan Harir

 

Hargesa (SaxilNews):- Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley heshiiska ay xukuumadiisu shalay la saxeexatey shirkada maamuli doonta dekada Berbera ee Dp World.

 

Madaxweyne Siilanyo ayaa waxaa uu heshiiskaasi ku tilmaamay mid guul ah waxaana uu yidhi

“Waxaa marag ma doon ah in ay xukuumadeydu xaqiijisay isbedel laxaad leh iyo harumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh , kaas oo uu  ugu danbeeyey heshiiskii casriyeenta iyo balaadhinta dekada Berbera oo ay shalay kala saxeexdeen dawlada Imaaradka carabta iyo dawlada Somaliland waana guul u soo hoyatey qarankeena” ayuu  yidhi madaxweyne Siilanyo .

COMMENTS
Latest News